Taliyihii ciidamada xoogga Jen. Gorod oo arrin ay DF u wakiilatay ku guuleystay

Balanbale (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee ciidamada xooga dalka Generaal Cabdiweli Jaamac Warsame Gorod ayaa sheegay inuu ku guuleystay heshiisiinta beelo ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

General Gorod, ayaa sheegay in dadaaladii ugu dambeeyay ee ay ka wadeen degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud ay ugu suuro gashay inay ku guuleystaan dhexdhexaadinta beelaha halkaasi ku dagaalamay.

Arintaasi waxaa isaga iyo xubno kale u wakiishay dowladda Soomaaliya, iyadoo la doonayay in heshiis rasmi ah la kala dhex dhigo beelo marar badan ku dagaalamay deegaanada hoostaga degmada Balanbale.

Beelahaasi ayaa isku haya arimo la xiriira dhul daaqsimeed iyo ceel biyoodyo, waxayna iska dileen dad badan, sida odayaasha dhaqanka ay sheegeen.

Wuxuu taliyaha sheegay in dhawaan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo u badan meletari la geyn doono deegaanada lagu dagaalamay, si ay kaga qeyb qaataan xaqiijinta amaanka deegaanka.

“Waxaa lagu heshiiyay in ciidamada la kala qaado, kadib waxaa loo gudbi doonaa waxii yaraa ee lagu dagaalamay in la xaliyo, qorshe dowladda u dajisay ee hub ka dhigis ah waa mid dowladda ku xiran, waxaa meel walbaa la dhigayaa ciidamo nabadda ilaaliya meletariga ayayna u badnaanayaan”ayuu yiri Gen Gorod.

Caasimada online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com