KHILAAF ka dhex-oogan MURSAL iyo MUUDEEY oo bannaanka usoo baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa bannaanka u soo baxay kaladuwanaanshaha aragtida guddoonka golaha shacabka ee kusaabsan kala diristii Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La  xisaabtanka Golaha Shacabka Baarlamaanka Somaliya, waxaana saacadihii danbe baraha bulshada la soo dhigay doodo Sharci ah oo go’aankaas la xiriira.

Gudoomiye kuxigeenka Koowada ee Golaha Shacabka C/Wali Ibraahim Muudeey, ayaa 28-kii bishan kala diray Guddiga Maaliyada sababao la xiriirtay saameynti iyo doodii ka dhalatay warbixintii Guddiga Maaliyadda ka soo saareen musuq maasuq lagu sameeyay miisaaniyadda dalka, Sidaaw waxaa qabo Xildhibaano.

Qoraal ka soo baxay Kusimaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Guddoomiye kuxigeenka 1aad ayaa lagu kala diray Guddiga, iyada oo Gudoonku  sheegay inuu soo dhisi doono Guddi cusub

C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ah La Taliye sare oo ka tirsan xafiiska Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, ayaa sharci darro ku tilmaamay talaabada uu qaaday Muudeey, isagoo xusay in xeer hoosaadka baarlamaanka dhigayo in Gudidga Malaiyada ay kala diri karaan oo kaliya Golaha Shacabka.

“Guddoomiyaha golaha shacabka BJF wuxuu waajib ka saaranyahay ilaalinta xeerhoosaadka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka, dooda ka dhalatey kala diridda Guddiga Maaliyadda ma waafaqsana Xeer Hoosaadka golaha, maadaama golaha xilka u dhiibtey isla golaha ayaa awood u leh kala diristiisa”, waxaa sidaas Facebookisa ku soo qoray Jaamac.

Qoraalkan, ayaa u muuqd mid jawaab u ah qoraal ay barteeda Facebook soo dhigtay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliya Khadiijo Maxamed Diiriye, iyadoo sheegtay in Mursal imaanshihiisa aaney waxba ka badaleynin mowqifka uu qaatay Muudeey.

Khadiijo Diiriye oo sidoo kale ah Xildhibaan katirsan golaha Shacabka ayay  aad isugu dhowyihiin dhinaca siyaasadda Kuxigeenka 1-aad ee golaha Shacabka C/Wali Muudeey.

C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac oo 18-kii Augosto sanadan Gudoomiye Mursal u magacaabay La Taliyeihiisa sare, laba maalin kadib markii laga qaaday Xilka Taliye Kuxigeenka NISA, ayaa fariin Jawaab ah ka soo diray Turkiga, isgaoo ay wada socdaan Mursal.

Arintan, waxey banaanka u soo saartay Khilaafka curdunka ah ee u dhexeeya Mursal iyo Muudeey, Mursal ayaa xafiiska fadhiya oo kaliya wax ku dhow 7 Bilood, maadaama xilka AFhayeenka baarlamaanka uu iska casilay Jawaari oo cadaadis xoogan uga yimid dhanka Xukuumada, sida uu hore uga dhawaajiyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com