Ciidamada DF oo dhaqan shacabka ka careysiiyay ka billaabay Xamar + Video

Muqdisho (Caasimada online) – Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa aad uga fal celiyay dhaqan cusub oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka bilaabeen qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Askarta oo ah kuwo cusub ayaa bilbaabay inay toogtaan dhalinyarada lagu eedeeyo inay dhacaan mobeylada ay dadweynaha wataan, waxaana la arkayay marar badan iyaga oo muuqaalo ka duubaya dhalinyarada dhiig baxaysa.

Dhaqankaasi ayaa dad badan oo Soomaaliyeed siyaabooyin kala duwan uga falceliyeen waxaana ay sheegeen inuu yahay mid cusub oo fool xumo ku ah ciidanimada iyo dhaqanka Soomaalida.

Dadka ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in dhalinyarada mobeylada dhaca isla goobta lagu toogto, laakiin dadka dilalka geysta ay ka baxsadaan goobta iyadoo waliba ciidamada ay joogaan mararka qaar.

Waxay sidoo kale ay sheegeen in dadka cadowga ah ee dhibaatada geysta lagu hayo saldhigyada, laakiin dhalinyaro laga yaabo inay daruufo arintaan u geysteen in isla goobta lagu toogto.

Masuuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir ayaa kasoo muuqday muuqalaada qaar, iyaga oo dhalinyarada la toogtay oo dalbanaya  in la badbaadiyo ay u diidayaan in goobta laga qaado.

Wali magaalada Muqdisho kama dhicin in la toogto ruuxa geysta dilka dadka shacabka iyo madaxda dowladda, laakiin waxaa inka badan seddex jeer dhacday in la toogto dhalinyaro mobeylo dhaceysa.

Walow ciidamada ay wax badan ka qabteen dhaca joogtada ee laga geysan jiray Suuqa Bakaaraha, haddana isla Suuqa bakaaraha waxaa ka dhacda in dad lagu dilo, kuwii dilayna ay ka baxsadaan goobta.

Hoos ka daawo Dhacdadii ugu dambeysay

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com