Aqriso: Xeer cusub oo uu soo saaaray madaxweyne Max’ed C/llaahi Farmaajo

Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ku Magacaabay guddiga Dhaqaalaha Qaranka ka dib markii uu soo saarey Xeer uu ku abuurayo.

Xeerka uu Madaxweynaha soo saarey ayaa ku taariikheysan 12 Bishan July, waxaana lagu sheegay in Xeerkaan uu Madaxweynaha soo saarey,isaga oo cuskanaya qodobka 87aad iyo 90aad ee Dastuurka KMG.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Guddigasi uu abuuray ka dib tallooyin ay u soo jeediyeen Guddiga Dhaqaalaha Golaha Wasiirada iyo Wasiirka Qorsheynta Somalia, waxa uuna sheegay in Guddigaasi uu muhiim u yahay dhismaha Qaranka.

Xubnaha Golahaan uu ka kooban yahay ayaa kala ah, Guddi hoosaadka dhaqaalaha Golaha Wasiirada, Madaxda dowlad Goboleedyada, shan xubnood oo la taliyeyaal qaran ah iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe.