Maxaa ka jira in Turkishka kaalin ku lahaa dhismaha safaarada USA ee Qudus?

Ankara (Caasimadda Online) – Shirkadda Dhismaha ee laga leeyahay dalka Turkiga ee lagu magacaabo Limak Holding ayaa beenisay inay ku lug laheyd dhismaha Safaaradda Mareykanka ee dhawaan laga howlgeliyey Magaalada Qudus sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Anadolu.

War Saxaafadeed ay soo saartay Shirkadda Limak Holding gebi ahaanba lagu beeniyey inay shirkadaan ka qeyb qaadatay Mashruucii lagu dhisay Safaaradda Mareykanka ee Jerusalem

“ Warbixinada sheegayo inay Shirkadda Dhismaha ee Limak Holding ka qeyb qaadatay mashruuca dhismaha Safaaradda Mareykanka ee Qudus waa mid aan dhab aheyn” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Sida lagu sheegay war saxaafadeedka Limak Holding ayaa Shirkadda Desbuild  oo ah Shirkad laga leeyahay dalka Mareykanka kala shaqeeneysay dhanka dhismaha muddo 5 sano iyadoo u fulisay mashariic badan oo ay ka mid yihiin Dhismaha Safaaradaha Mareykanka ee Baghdad, Beirut, New Zealand iyo  Belize.

“ Markii lasoo gudbiyey qandaraaska Masharuuca Dhismaha Safaaradda Mareykanka ee Jerusalem waxaan Shirkadda Desbuild  ku wargelinay inaysan shirkadda marnaba ka qeyb qaadan Karin howshaas” ayaa sidoo kale lagu yiri war saxaafadeedka.

Shirkadda Desbuild ayaa sheegtay dhankeeda inaysan Shirkadda Limak ka qeyb qaadan Mashruucii lagu dhisay Safaaradda Mareykanka ee Qudus.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com