25 C
Mogadishu
Tuesday, January 20, 2026

Sawirro: Arrin lagu farxo oo maanta ka hirgashay Gaalkacyo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Magaalada Gaalkacyo oo bilihii lasoo dhaafay marti gelisay dagaalo iyo rasaas ka dhacday magaalada ayaa iminka kasoo kabaneyso jabkii gaaray.

Waxaa magaalada kulamo kala duwan ku yeeshay waxgaradka iyo siyaasiyiinta maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaana laga soo saaray go’an dhaxal gal ah.

Xalay shir ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa yeeshay gudiyada nabadeynta magaalada ee labada dhinac, waxaana laga soo saaray in la furo dhamaan waddooyinka magaalada ee dagaalada ku xirmay.

Waxaana saaka arintaasi laga dhaqan geliyay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, iyadoo ciidamada labada dhinac isdhexgalka ay bilaabeen.

Waxaa shacabka magaalada ay sheegeen iney ku faraxsan yihiin talaabada horey loo qaaday, waxayna ka digeen in dagaalo kale magaalada ka dhacaan.

8-2 14-2 16-1 17-1 20 21

- Advertisement -

Read more

Local News