Arag Sawirrada: Axmed Madoobe oo maanta soo bandhigay Ciidamada uu ku sal ballaarsan lahaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Kismaayo ka socda qorsho dagaal oo uu wado Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe kaasi oo ay Ciidamadu ku doonayaan inay ku sal ballaarsadaan.

Hogaamiyaha ayaa Saraakiisha Ciidamada ku amray inay heegan galiyaan Ciidamada Maamulka, islamarkaana ay u diyaar garooban Dagaal dhul ballaarsi ah.

Inta badan Ciidamadan ayaa waxaa iminka lagu uruurinayaa deegaanka Buuloguduud ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo saldhig KMG ah oo ay ka duulaan Ciidamada laga dhigay.

Saraakiisha ciidamada ayaa balan qaaday inay si hufan u oofin doonaan amarada kasoo baxa Xafiiska Hogaamiyaha Jubbaland iyo Taliska Ciidamada Militeriga.
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13