Kay oo la shiray xildhibaanada wada mooshinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan goordhaw ka helnay xarunta Xalane oo fadhi u ah Qaramada Midoobay xafiiskooda Soomaaliya UNSOM, ayaa waxaa sheegayaan inuu goordhaw soo idlaaday shir halkaas ku dhexmaray ergeyga gaarka ah Nicholas Kay iyo qaar ka mid ah xildhibaanada mooshinka wada.

Waxaa shirka lagu lafa guray xaaladda siyaasadda waddanka uu maraayo iyo sidii looga fogaan lahaa in uu dhaco qal-qal siyaasadeed kaa soo keeni kara xasilooni daro iyo in aay istaagaan howlaha DF aay u hayso ummadda iyo qaranka Soomaaliyeed.

Waxaa la isku af gartay in sharciga la dhowro, lagana fogaado in musuqmaasuq lagu xalliyo xiisadaha siyaasadeed ee waddanka ka jira. Caasimada Online oo la xiriirtay xafiiska saxaafadda u qaabilsan UNSOM ayaa noo sheegay in uu shirka dhacay, balse waxaa laga hadlay iyo mowqifka Qaramada midoobay iyo midka beesha caalamkaba lagu soo saari doono war saxaafadeed soo bixi doona saacadaha soo socda.

Caasimadda Online ayaa la xiriirtay qaar ka mid ah Xildhibaanadii ka qeyb galay shirkaas, kuwaasoo qabay kalsooni badan una sheegay Caasimada Online in Mooshinka uu mari doono jidka saxda ah sida ku cad Sharciga DFS iyo Dastuurkaba.

Wixii faah faahin ah dib ayaan idiinkala soo socodsiin Doonaa

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com