Xog: Sirdoonka Mareykanka oo telefoonka Xasan Sheekh ka dhageysta gorgortanka Mooshinka

Muqdisho (Caasimada Onlin)-Ilo ku dhow dhow Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Madaxweynaha uu shaki xoogan ka qabo in arrimaha Mooshinka laga dhageysto Telefoonkiisa gacanka.

Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in Madaxweyne Xassan uu walaac gaar ah ka muujinaayo in Sirdoonka Mareykanka ka jooga Somalia ay Telefankiisa kala socdaan Heshiisyada dhexmaraaya isaga iyo Xildhibaanada BF Somalia ee Mooshinka ka geeyay Xassan.

Sargaal ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha ayaa si rasmi ah Caasimada Online ugu xaqiijiyay in Xassan Sheekh uu howlaha la xiriira Mooshinkiisa iminka ku fududeeyo warqado kadib cabsi kala soo daristay dhageysiga Telefoonkiisa awgeed.

Xiliyada qaar ayaa la soo warinayaa inuu isticmaalo Telefoono kale oo ay wataan saaxiibadiisa ku wehliya Siyaasada Villa Somalia inkastoo la sheegay in iyagaba uu badi iska ilaaliyo ku hadalkooda.

Mooshinka socda ayaa waxaa gacan weyn ka geysanaaya Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dhowr jeer sii horeysay lagu eedeeyay inay dhageystaan Telefoonka gacanka Madaxweynaha si ay ula socdaan Siyaasada dalka gaar ahaan macluumaadka uu ku shaqeynaayo Madaxweynaha.

Awooda Mooshinka ayaa qalqal adag galisay Madaxweyne Xassan oo aan horay ula kulmin Mooshin ceynkaani ah tan iyo markii uu qabtay Xilka Madaxtinimo ee Somalia, waana tan keentay in Xildhibaanada BF ay hub dagaal u adeegsadaan keenista Mooshinada.

Mooshinka ayaa ka dhashay Khilaaf Siyaasadeed hoose oo dhexmaray Madaxweyne Xassan iyo Xildhibaano ka tirsan BF kaasi oo bilowgiisa ahaa mid ka dhashay Wakhti kororsiga, hayeeshee markii danbe isku bedelay mid shaaca laga qaaday.

Geesta kale, Madaxweyne Xassan ayaa ilaa iyo iminka aan ku guuleysan inuu kala jabiyo Xildhibaanada Mooshinka wado sababo la xiriira faragalinta ay Beesha Caalamka ku dhexwado Mooshinka iminka yaalla Maxkamada sare ee dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com