Xog: Xasan oo diiday is-casilaadda Xeer ilaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar goordhaw aan ka helnay Xafiiska Madaxweynaha ee Villa Soomaaliya ayaa noo xaqiijiyay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in uu aqbalo iscasilaadii uu soo gudbiyay Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir.

Madaxweynaha ayaa ku sababeeyay diidmadiisa in waqti xaadirka ah aanu aqbali karin iscasilaada Xeer ilaaliyaha waayo waddanka waxa uu ku jiraa qal-qal siyaasadeed.

Caasimadda Online oo la xiriirtay xeer ilaaliyaha ayaa ka gaabsaday in uu wax ka yiraahdo iscasilaadiisa, isaga oo noo sheegay in uu saxaafadda si toos ah ula hadli doono dhawaan.

Iyadoo aay aad u kacasantahay mowjadaha siyaasadeed ayaa dadka ka faalooda arrimaha siyaasadda waxa aay u fasiranayaan qaabab kala geddisan is casilaada xeer ilaaliyaha.

Caasimada Online oo telefoon kula xiriirtay Garyaqaan Cabdikariin Xuseen ayaa noo sheegay, in ay arrintan keeni karto dhowr arrimood, waayo buu yiri “Xeer ilaaliyaha isaga ayey shaqadiisu ahayd inuu daba gal ku sameeyo musuqmaasuqa baahay ee hay’adah dowladda isla markaasna la xisaabtamo oo sharciga hor keeno ciddii aay ku cadaato musuqmaasuq”.

“Maadaama uusan taa sameyn, aniga shaqsiyan waxa aay ila tahay in uu ogyahay haddii Madaxweynaha lagu helo oo aay ku cadaato musuqmaasuqa uu ku soo oogay Baarlabaanka, in xeer ilaaliyahana maxkamad la keeni karo taasoo uu ku muteysan karo xarig dheer. Xeer ilaaliyaha uma madax bannaaneyn howshiisa haddii si loo fiiriyo buu yiri, waayo waxa uu ahaa shaqsi loo keenay in uu dhanka kale fiiriyo. Maadaama aay hadda seefta galka kala baxeen baarlabaanka waxaa jira cabsi badan oo soo wajahday masuuliyiin badan oo aay ugu horreeyan kuwa ka shaqeeya caddaalada ayuu ku soo gaba-gabeeyay hadalkiisa”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com