Xaaska R/W CCC oo rasaas lagu qabtay laguna xiray garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida lagu qoray wargeyska Nairobi News ee dalka Kenya xaaska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa markii dambe lagu sii daayay dhamiin dhaqaalo, iyadoo loo ogolaaday iney safarkeeda sii wadato.

Xaaska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa daqiiqo kooban lagu xiray garoonka diyaaraha magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib markii lagu helay hub ay wadatay Sabtidii lasoo dhaafay.

Ms Caasha Yaasiin Xasan, xaaska ra’iisul wasaaraha ayaa boorso ay wadatay waxaa lagu arkay 16 wareeg oo rasaas ah, markii la saaray agabka lagu baaro amaanka garoonka diyaaradaha xili ay ku sii jeeday dalka Mareykanka.

“Ms Caasha Yaasiin, waxaa loo maxkamadeyn doonaa dambiga lagu helay marka ay soo laabato”sidaasi waxaa yiri ku xigeenka taliyaha ciidamada booliska garoonka Kenya Joseph Nthenge.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay iney wadaan baaritaano arimahaasi la xiriirta.

Su’aalo la weydiiyay xaaska ra’iisul wasaaraha ayaa waxay ku sheegtay in boorsada ay aheyd mid uu lahaa seygeeda Cumar Cabdi laakiin iyadoo deg degsan ay soo qaadatay ayna iska hubin waxa ku jira.

Xigasho Nairobi News

http://nairobinews.co.ke/wife-of-somali-pm-arrested-at-jkia-with-bullets-in-bag/