Sawirro: DFS oo Xildhibaano qaswadayaal ah ku soo dhaweysay Muqdisho iyo beel gaar ah oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho kusoo laabtay Xildhibaanadii Beesha Ogaden ee dhawaan qaska iyo qarbudka u tagay Gobolka Bakool.

Xildhibaanadaasi ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan DFS kana soo jeeda isla beesha Ogaden.

Xildhibaanadaani ayaa Bakool ka soo dhisay maamul qaab qabiil loo dhisay kaasi oo lagu carqaladeynaayo maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia.

Xildhibaanadaani ayaa waxaa awaal marin looga dhigay soo dhaweyn wacan, halkii DFS laga doonaayay inay kala erido bacdamaa ay carqalad ku hayaan maamul ay dhistay DF.

Shaqsiyaadka garoonka kusoo dhaweeyay ayaa gabi ahaantooda kasoo jeeday Beesha Ogaden, waxa ayna taasi ka turjumeysaa in DF ay si dadban u taageersan tahay dhismaha maamulkaasi.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
image1

image2

image3

image4

image5

image6

image7

image8