“Waxaan lahayn allow Sheekh Shariif na dhaafi, balse mid milyan jeer ka xun baa noo yimid….”

Muqdisho (Caasimada Online) – Siciid Cali Faarax oo mid ka mid ah milkiilayaasha hoteelada ugu waaweyn ee Muqdisho, ayaa isbarbar dhig sida ay isaga la tahay ah, ku sameeyey duruufaha nololeed & tan bulsho ee ka jirta dalka xilliyadii ay talada hayeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed & Madaxweynaha hadda talada haya Xassan Shiikh Maxamuud, wuxuuna sheegay Siciid in heerka nololeed ee shacabka & fursadaha shaqo ee ganacsatada ay u wanaagsaneyd xilligii uu hogaanka hayey Shiikh Shariif.

Ganacsade Siciid wuxuu ku nuuxnuxusaday in dad badan oo isagu ka mid yahay ay ka rajo ka qabeen markii uu xilka la wareegay Madaxweyne Xassan Shiikh isbedel dhan walba ah in dalku wajahayo, sababta ay sidaa ugu fakarayeena wuxuu sheegay in ay la xiriirtay Xassan Shiikh & saaxiibadii oo siyaasada ka soo galay dhanka tacliinta.

“Markaan is niraa kii hore kanaa dhaami doono waaba ka sii darran yahay, horaa loo yiri: waraabow haddow yimaado furuq waa fara kaleef waaye. 2012 waxaan laheyn war yaa Shiikh Shariif mar lee na dhaafiya haddanna waxaan leenahay yaa noo soo celiya, sababtu waxeey tahay xilligii Shariifka wax baa kala socday, xittaa dadka noloshoodu tahay dabaqada hoose tahay wixii kor ka yimaada ayaa soo gaari jiray, hadda meel kasta waxaa xirtay hal xisbi” Ayuu yiri Ganacsade Siciid, wuxuuna intaasi raaciyey in Xildhibaanada hoteelada dagan in ay ka cabanayaan mushaar la’aan.

“Xildhibaanadu waxeey inoo sheegeen in cunaqabateyn ay saaran tahay hadda, taa oo qeyb ka ah siyaasada xisbiga Madaxweynuhu ciyaarayo inta laga gaarayo 2016, waxaa loogu talogalay in Xildhibaanada ciriiri dhaqaale la geliyo, oo aysan waxba kala socon Magaalada & Gobolada ku xiran, xilliga doorashada marka la gaaro na lacag waalan Magaalada la soo geliyo, ma jirto wax la yiraa isla xisaabtan, dhinaca baarlamaanka waxaa arrintaasi madaxda kaga fadhiya shir guddoonka” Ayuu yiri Ganacsadaha oo aragtidiisa ka hadlayey, wuxuuna intaasi ku sii daray in Magaalada Muqdisho oo caasimadii ah aysan jirin wax ay Dowladdu ku soo kordhisay adeegyadii bulshada, marka laga reebo adeegyo caafimaad lacag ah oo ay Turkigu goobo cayiman ka hirgeliyeen.

“Dalkani, wuxuu la’yahay hogaan daacad ah oo magac keliya inuu ka tago doonaya. Waxyaabaha iga yaabiyey aniga qof ahaan, oo qof kasta uu Muqdisho ku arki karo waxeey tahay, Magaaladii oo hadda cagaheeda isu taagtay, kana qurxuun xilligii bari-samaadka, quruxdeedii waxaa baaba’shay oo cardaadiqaha ka dhigay waa buburka waddooyinka, ma jirto hal waddo oo la isticmaali karo marka laga reebo qeyb ka mid ah waddada Makka al-mukarama, haddii Dowladdii ay isku baheysteen dad aan xishooneyn oo wixii ummadda wax loogu qaban lahaa ay jeebka ku shubteen, maxaa u diiday ganacsatada dhismooyinka quruxda badan ee isugu faanka ah meel kasta ka dhistay in ay waddooyinka dhisaan.?, waxaan qabaa dhismaha waddooyinkaas in ay ku filan tahay shirkadda Hormuud keliya, balse waxaan shaki ka qabaa in meel kore laga diidan yahay quruxda & horumarka guud ee dalka” Ayuu yiri Ganacsade Siciid, wuxuuna intaasi sii raaciyey.

“Ummadda Soomaaliyeed waxeey ku jiraan 40 kii sano ee reer bani israaiil Tiiha ay ku jireen oo kale, sida keliya ee lagaga gudbi karo waxeey tahay in ay soo baxaan jiil cusub oo hadaf qura, lana dagaala qabiilka & gumeysiga, hoosna ka soo dhisa Soomaali xalaal ah”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com