Daawo video qiiro leh: Madaxweyne Erdoğan oo bad baadiyey nin badda isku tuuri lahaa kadib..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sabab u noqday inuu badbaado nin doonayey inuu isku tuuro biyaha badda, xilli ay halkaasi marayeen kolonyada baabuurtii galbineysay Madaxweynaha.

Ninkan oo magaciisa lagu soo gaabiyey Vezir Ç ayaa dalbaday inuu la hadlo Madaxweynaha, iyada oo Madaxweynahana horay loogu sii wargeliyey, waxaanna filimka ka muuqata Erdogan oo baabuurkii loogu geeyey, kaddibna taleefan kula hadlaya masúuliyiin ka tirsan xarunta Madaxtooyadiisa si wax looga qabto xaalada adag ee uu ninkaasi ku sugan yahay.

Soomaali ahaan, Marka aan aragno madax dadkooda sidatan ugu damqanaya waxaan is-weydiineynaa goorma ayaan gaari doona inaan helno hogaamiye ka run sheega masúuliyada uu qaaday, kana war qaba inta awoodiisa ah dadka uu madaxda u yahay.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA