Muqdisho iyo ka macaashidda dhiigga shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay Hay’adda ilaalada wadooyinka ee Taraafikada DFS ayaa lagu sheegay in Hay’addu ay kordhineyso lacagaha ganaxyada ee laga qaado gaadiidka BL-ka iyo kuwa raaxada oo ay isticmaalan shacabka.

Taliyaha Ciidamada ilaalada wadooyinka ee Taraafikada Cali maxamed Cali oo la hadlaayay Idaacada MMC ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Hay’addu ay wado qorsho lagu kordhinaayo lacagaha ganaaxa ee gaadiidka laga qaado, waxa uuna sheegay in gaadiidleydu looga baahan yahay inay u hogaansamaan amarka ciidamada ilaalada wadooyinka.

Taliyaha ayaa qaadista lacagahaasi saa’idka ah ku micneyay mid looga hortagaayo dhalinyarada isticmaasha gaadiidka ee aan laheyn xirfad ku filan.

Wadayaasha gaadiidka ayuu ku eedeeyay inaysan dhowrin sharciga wadooyinka, sidaa awgeedna ay Hay’addu kordhin doonto lacagaha ganaaxa ah.

Dhalinyarada qaar ayuu Taliyuhu sheegay inaysan wadan sharciga lagu wado gaadiidka, waxa uuna taasi ku sifeeyay mid wax loogu dhimaayo sharciga Hay’adda u degan ee ah in loo hogaansamo qawaaniinta uu dhigaayo sharciga wadooyinka.

Cali Maxamed Cali waxa uu dhinaca kale digniin u jeediyay dadka baakinada ka sameysta wadada dheer ee Maka Al-Mukarrama taas waxay carqalad ku tahay ayuu yiri Nabadda iyo Sharciga.

Docda kale, Taliyaha ayaa sheegay in Gaadiidka Bajaajta iyo Gawaarida Xamuulka ah aan loo ogoleyn in ay maraan wadada Maka Al-Mukarrama ee hormarta Xarunta madaxtooyada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com