Sheekh caana oo ka digay qatar cusub oo kusoo wajahan SOMALIA iyo shiicada oo damacsan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Somaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, ayaa wuxuu dadka Somaliyeed uu kaga digay inay ku hungoobaan Barnaamijka Shiicaynta Safaaradda Iran, ay ka wado Magaalada Muqdisho.

“Shacabka Somaliyeed waxaan uga diggayaa Barnaamijka Shiicaynta ay wado Safaaradda Iran inaanay ku kabsoomin, halaga fiirsado . Hala is weydiiyo sababta Safaaradda Iran inta ay dad isugu yeerto, kulan ugu qabato.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Wuxuu mahadcelin uu u jeediyay Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), oo toddobaadkan si rasmi ah u fashilisay Baafinta Barnaamijka Shiicaynta Safaaradda Iran.

“Nabad Suggida waan u mahadcelinayaa shaqada wanaagsan ay qabatay. Safaaradda Iran ay ku leedahay Magaalada Muqdisho waxay ku hawlan tahay Baafinta Barnaamijka Shiicaynta.” Ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Waxa kaloo uu yiri “Shiico meesha ay soo gashana khilaaf ayay ka dhex dhaliyaan Ummada Muslimiinta. Muslimiin iyo Shiicana meel ma wada jooggi karaan, wuxuuna ku dambeeyaa dagaal.”

Sheekh Bashiir Axmed Salaad, ayaa yiri “Inta badan waxay sameeyaan oo ay ku soo hoos dhuuntaan Hay’adaha Khayriga ah, sida caawinta dadka dhibaataysan iyo dhalinyarada oo la garab istaago.”

Dowladda Somaliya, ayaa wuxuu ugu baaqay inay ka fiirsato xiriirka kala dhaxeeya Dowladda Iran, marka laga soo taggo xiriirka ku qotoma dhinaca diblomaasiyadda.

“Dowladda Somaliya waxaan leeyahay waa in laga fiirsadaa hawlaha ay qabato Safaaradda Iran ee Magaalada Muqdisho, marka laga soo taggo arrimaha diblomaasiyadda. Dowladdu haka fiirsato xiriirka dalka Iran.” Sidaasi waxaa yiri Sheekh Bashiir oo la hadlay Warbaahinta gudaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com