Shariif Xasan oo dacwad u gudbiyay Ethiopia & Axmed Madoobe oo Addis-Ababa u duulay (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa u duulay magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Dowlada Ethiopia ayaa u yeertay Madaxweyne Axmed Madoobe, waxaana la soo warinayaa in booqashadiisa Addis ababa ay ku qotonto dacwad uu ka gudbiyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Axmed Madoobe ayaa waxaa u yeeray Ra’isul wasaaraha dalkaasi Helimaryam waxaana wax laga weydiin doonaa kaalinta maamulkiisa uu ku leeyahay dhismaha maamulka Bakool sare oo maalin ka hor lagu dhawaaqay.

Dowlada Ethiopia ayaa Axmed Madoobe wax ka weydiineysa maamulkaasi iyo ujeedka loo aasaasay, kadib markii Shariif Xassan uu Dowlada Ethiopia u sheegay in dhismaha maamulka Bakool uu horboodaayo Axmed Madoobe islamarkaana uu jeebkiisa ka bixiyay dhaqaalihii ku baxay dhismaha maamulkaasi.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale gaari doona magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya, waxa ayna ilo ku dhow dhow Madaxweynaha sheegayaan in booqashadiisa Kenya ay la xiriirto maamulka Bakool sare, sida aan xogtu ku heleyno.

Axmed Madoobe ayaa xiriir dhow la leh Dowladaha Ethiopia iyo Kenya, balse waxa uu iminka faragalin ku sameeyay maamulka Koonfur Galbeed oo Siyaasad ahaan kaga dhow labada Dowladood.

Lama saadaalinkaro go’aamada kasoo bixi doona kulamada Addis ababa ku dhexmari doona Axmed Madoobe iyo Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com