“Sirta Gaas iyo Axmed Madoobe ee Ceelbarde”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale, oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda Baay iyo Bakool ayaa si adag kaga hadlay qorshaha maamulada Puntland iyo Jubbaland ka leeyihiin dhismaha maamulkii degmada Ceelbarde.

Maxamed Xuseen Afaraale, ayaa si cad u sheegay in maamulka Puntland iyo Jubbaland ay doonayaan in dagaalo sukeeye ka abuuraan deegaanada gobolka Bakool oo dad walaalo ah ay wada dagaan.

Sidoo kale xildhibaan Afaraale, ayaa sheegay in danta ugu weyn ee laga leeyihiin dhismaha maamulka Bakool sare uu yahay in lagu carqaladeeyo laguna mashquuliyo madaxda Soomaaliyeed halkii ay ka fakari lahaayeen aayaha dalka sanadka soo socdo.

“Yaan Ummada Soomaaliyeed been loo sheegin Ceelbarde waxay ka tirsan yihiin Koofur Galbeed, waxaa Puntland iyo Jubbaland ay doonayaan in sidii Gaalkacyo oo kale dagaalo sukeeye ka dhacaan”ayuu yiri Xildhibaan Afaraale.

Ugu dambeyn wuxuu digniin u jeediyay shacabka deegaanada Yeed, Aato iyo Ceelbarde isaga oo u sheegay in siyaasiyiinta ay doonayaan iney dhibaato geliyaan shacabka deegaanada gobolka Bakool.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com