Arrimaha ku cusub amniga Muqdisho ee keenay isbadalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Soomaaliya ayaa ku jirta jawi xasilloon ku dhawaad 60 cisho. Al-Shabaab oo duurka lagu eryanayo ayaa la fahamsan yahay inay u heelan yihiin inay dhibaato ka geystaan caasimadda, laakiin taas bedelkeeda laamaha amaanka waxay soo bandhigeen masuuliyad illaa xad la aqbali karo.

Inkasta oo dhowr jeer madaafiic lagu tuuray qeybo magaalada Muqdisho kamid ah, kuwaas oo khasaare xadidan geystay, haddana dadka magaalada waxay tabinayaan isbedel, iyada oo dhowr iyo labaatankii cisho ee ugu horeysay bisha Ramadaan nabad lagu soomay.

Dhowr isbedel ayaa laga soo wariyay ammaanka caasimadda iyo isku socodka bulshada. Waddooyinka caasimada ayaa inta badan la furay, gaadiidkii la celin jiray ayaa la fasaxay.

Waxay wadayaasha sheegayaan in wixii ka dambeeya 2-da habeenimo illaa 6-da aroornimo gaadiidka qaar la joojiyo, laakiin laamaha amniga waxay taas ku sheegeen mid lagu ilaalinayo saacadaha saqda dhexe oo la ogaaday inay Al-Shabaab isku dayaan hub gudbin.

Ciidan cusub ayaa lagu biiriyay amniga caasimadda, illaa saddex kun oo askari oo dhawaan lagu soo tababaray waddanka Uganda ayaa la geeyay degmada ku yaalla daafaha magaalada, si ay banaanka uga ilaaliyaan caasimadda.

Degmooyinka Kaaraan, Hilwaa, Kaxda, Dayniile, Dharkenley, qeybo Yaaqshiid kamid ah iyo deegaanka Daaru-salaam ayaa loo qeybiyay cidianka.

Dadweynuhu waxay sheegayaan in ciidanka cusub ay u muuqdaan kuwo feejigan oo fahamsan waajibkooda. Daafaha magaalada Muqdisho ayaa loo xil-saaray in aanay argagixisada kasoo tallaabin.

Sidoo kale ciidanka dharcadka ah ee hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa aad loo kordhiyay sida aan xogta ku helnay, waxaana loo dhiibay taliye cusub.

Dharcadku markii hore waxay joogi jireen bara cayiman oo la yaqaano oo magaalada ku yaalla, laakiin hadda waxay toos u dhex galeen shacabka, iyada oo masuul looga dhigay amniga qeybta loo bixiyay aagga koowaad ee caasimadda.

Illo sirdoon ayaa kasoo xiganay in tan iyo markii ay ciidankan bedeleen qaabkoodii oo shacabka soo dhex-galeen, inay yaraatay in wax lagu dilo degmooyinka ay sida gaarka ah uga howl-gallaan.

Ciidan cusub oo hay’adda Sirdoonka ay leedahay oo maamul-goboleedyada laga soo aruuriyay kadibna tababar iyo hub la siiyay ayaa sidoo kale door weyn ka qaadanaya amniga caasimada, kuwaas oo iyaguna ka howl-gala halka loo bixiyay aagga labaad ee caasimadda.

Booliska ayaa sidoo kale muujinaya fir-fircooni intii hore ka badan. Waxaa muuqata inay laamaha amniga wada-shaqeyn fiican yeesheen, taas oo amaanka caasimadda wax badan ka bedeshay ayay leeyihiin saraakiisha aan la hadalnay.

Bisha Ramadaan oo dhowr iyo labaatan cisho mareysa dadka caasimadda waxay ku soomeen jawi xasilloon. Labadii billood ee u dambeysay Al-Shabaab waxay la kulmeen isla xisaabtan ka duwan sidii hore, dhowr jeer ayay hoobiyeyaal labadii billood ee u dambeysay.

Khubarada amniga waxay sheegayaan in haddii la xoojiyo shaqada joogtada ah ee ciidanka iyo wada-shaqeyntooda, sidoo kalena masuuliyad iska saaridu aanay bisha Ramadaan ku eekanin in la heli doono amaan intaan ka wanaagsan.

Shacabka ayaa iyaguna bilaabay inay laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya la shaqeeyaan, taas oo ugub ah balse la arkay inay wax badan goyso.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kal hore sheegay inay xoog badan galinayaan amaanka magaalada Muqdisho, isaga oo shacabka weydiistay inay dulqaad muujiyaan intay socda howl-gallada gaarka ah ee lagu xaqiijinayo amaanka caasimadda.