Sawirro: Madaxda IGAD oo shir deg deg ah isugu timid iyo go’aan ka soo baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay wada-hadallo degdeg ah oo ay yeesheen madaxda dalalka urur goboleedka IGAD, kuwaas oo ay kaga arrinasadeen iska-hor imaadyada hubaysan ee ka socda dalka Suudaan.

Shirkan oo ahaa mid madaxdu ay ku yeesheen habka fogaan aragga ah ayaa Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu la wadaagay hoggaamiyeyaasha kale ee dalalka IGAD sida dowladda Soomaaliya ay uga walaacsan tahay xaaladda ka taagan dalka Suudaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cadeeyey in Soomaaliya ay codkeeda heer gobol iyo heer qaaradeedba ku garab istaagi doonto nabadda, midnimada iyo dowladnimada walaalaha Suudaan oo hiil taariikhi ah u muujiyey dadka Soomaaliyeed, waayihii adkaa.

Madaxda dalalka IGAD ee shirkan ka qayb galay ayaa isku raacay in si deg-deg loogu diro dalka Suudaan wafdi ka shaqeeya joojinta colaadda iyo billaabidda wadahadallo lagu dhammeynayo caqabadaha jira, si loo celiyo nabadda iyo xasilloonida dalka Suudaan.

Dagaal sokeeye ayaa ka qarxay dalka Suudaan, madaafiicda culus ayaa shalay iyo maanta la isku weydaarsanayaa Khartuum iyo magaalo kale oo lagu magacaabo Omdurman.

Ugu yaraan 56 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen iska hor-imaad culus oo ka socda dagaaalkaas, una dhaxeeya ciidamada Sudan iyo ciidamada RSF ah, kaas oo ka dhacay caasimadda Suudan ee Khartoum.

Dagaallada ayaa sidoo kale ku fiday qeybo kale oo dalka ka mid ah oo uu ku jiro gobolka Daafuur oo ay ka jirto xaalad aanan deganayn.

Dagaalka ayaa bilowday xilli aan laga fileyn oo dadka ay si caadi ah u wataan halw-maalmeedkooda.

Labada dhinac ayaa midba sheeganaya inuu gacanta ku hayo xarumaha muhimka ah, sida garoonka diyaaradaha. Diyaaradaha milateriga ayaa duqeeyay xarumo ay ku sugan yihiin xooggaga la dagaallamaya.