Daawo: Taliye Shub oo go’aan culus kasoo saaray ilaalada masuuliyiin ka tirsan DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa soo saaray go’aan uu ku dalbanayo in shaqada lagu soo celiyo 25 askari oo ilaalo u ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Jeneraal Mahad oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in shaqada uu ka joojinayo, mushaarkana ka jari doono askarigii ku soo laaba waaya shaqada ciidanka 10 cisho gudahood.

Taliyaha oo hadda la wareegay xilka, kadib markii dib loogu magacaabay ciidanka ayaa sheegay in taliska uu ugu tegay liiska 25 askari oo ku maqan (ereg) kuwaas oo ilaalo u ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.

“Anagu xaq uma lihin in masuul aan ilaalo siino, markii aan xafiiska ka tegayna hal askari banaanka kuma maqneyn oo ereg kama tegin, hadda waxaa ereg ku maqan 25 askari, oo la kala socota xildhibaano iyo wasiirro,” ayuu yiri Jeneraal Mahad.

Wuxuu sheegay in masuuliyiintaas ay booliska xaq ugu leeyihiin inay askar ereg ah ka qaataan, balse aysan Asluubtu bixin ciidan ereg ah, “Looma ogola Asluubta inay ereg noqdaan,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in askarta Muqdisho joogta uu shan maalmood u qabtay, kuwa gobollada jirana 10 maalmood, “Ninka ay la joogaanow, iska soo dir askartaas ha dhibaateyn, anigu waqtiga aan u qabtay ninkii ku imaan waaya mushaarkana waan ka jaraa, waana ruqseynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Taliyaha Asluubta.

Wuxuu sheegay in ciidankaas uu shaqo u dirsanayo, “Nin aan fadhigiisa joogin oo shaqada ciidanka Asluubta aan heynin, kama mid noqonayo ciidanka,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in dalku dagaal galay oo ciidan kasta la diyaarinayo, “Markii nala dhaho ciidan halkaas la geeyo keena, 50 askari ayaa fasax nooga maqan cid naga yeeleysa ma jirto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Mahad.

Hoos ka daawo