Arrimo cusub oo argagax leh oo laga soo weriyey Tigray

London (Caasimada Online) – Ciidamada Ethiopia iyo xulafadooda qeybta ka ahaa dagaalkii gobolka Tigray ayaa waxaa soo baxeysay inay ku kaceen kufsi wadareed loo geystay haween badan, kuwaasi oo kasoo jeeda gobolkaas.

Sida ay shaacisay hay’adda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, kufsiga ay ciidamada kula kaceen haweenka gobolka Tigray ayaa ahaa xeelad cusub oo qeyb ka aheyd istiraatiijiyad lagu argagax galinayo, laguna bahdilayay dhibbaneyaasha iyo qowmiyaddooda.

Amnesty ayaa waxay sheegtay inay cadeymo waaweyn u hayso arrintaas, kuwaasi oo muujinaya in xad-gudubyada galmada ay joogto ahaayeen tan iyo maalmihii ugu horreeyay ee uu dagaalka billowday.

“Sida ay u baahsanaayeen falalka waxay muujineysaa in madaxda militariga ay ka war qabeen waxa dhacayay, dhagahana ay ka fureysanayeen madaxda sare ee Itoobiya iyo Eritrea. Qaabka ay xogta isku midka ah u bixinayaan dadka loo geystay tacaddiyada galmada waxay muujineysaa in xad-gudubyada ay qayb ka ahaayeen istiraatiijiyad lagu argagax galinayay, laguna bahdilayay dhibbaneyaasha iyo qowmiyaddooda, labadaba,” ayaa lagu yiri warbixinta Amnesty.

Sidoo kale waxaa warbixinta Amnesty lagu soo qaatay haween kala duwan oo tacadiyo kufsi ah kala kulmay ciidamada Ethiopi iyo xulafadooda dagaalka Tigray, kuwaasi oo falkaasi lagu kacay qaar kamid ah xili ay la safreyeen caruurtooda.

“Shan ka mid ah waxa ay igu kufsadeen carruurteyda hortooda. Bir lagu sifeeyo qoryaha ayay igu gubeen. Qeybo ka mid ah birtaas ayay iga dhex galiyeen ilmo galeenka; taas ayaan xanuun badan kala kulmay. Ka dib waxay iiga tageen waddada,” ayey haweeney kamid ah kuwa lagula kacay tacadiga u sheegtay Amnesty.

Amnesty ayaa ugu dambeyntiina ka deyrisay heerka ay gaareen xad-gudubyada dhacay sagaalkii bilood ee uu dagaalka ka socday waqooyiga dalkaas, haba ugu darnaadan kufsi wadareedyada ay ciidamadu u geysanayeen haweenka gobolkaas.