Shan qodob oo khudbadii Rooble ku jiray oo muujinaya in aaney weli heshiin Farmaajo

Ra’isul Wasaare Rooble oo khudbad u jeedinayey qaar ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Nairobi ayaa khudbadiisa kusoo hadal qaaday khilaafka maalmahaan u dhaxeeyey isaga iyo madaxweynaha uu waqtiga ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Rooble wuxuu khudbadiisa ku xaqiijiyey jiritaanka khilaafka, isagoo intaas raaciyey in hadda la heshiiyey, waxaana warbixintaan ku eegeynaa shan dhinac oo kamid ah hadalkii Rooble oo duulaan ku ah Farmaajo, sidoo kalana muujinayey inaan weli la heshiin.

Marka hore inuu Rooble qirtay inuu khilaaf jiray waxay aheyd arrin biyo qabow ku shubtay dadkii aaminsanaa inaysan labada nin is heyn, weliba sida xogta lagu hayo Rooble dagaal ma rabin balse kooxda Farmaajo ayaa abaabushay dagaalka oo isku dayeysay inay baqdin gelin ku hayaan inta laga gaarayo doorashada.

1- Rooble wuxuu sheegay inuu dalka joogo meel ka xun meeshii uu joogay sanadki 2016, islamarkaana uu ka badbaaday dagaal sokeeye. Yaa gaarsiiyey meel ka xun meeshii sanadkii 2016 oo mas’uul ka ah dhibaatada? Waa farriin cad oo sheegeysa in Farmaajo dalkii burburiyey.

2- Rooble wuxuu sheegay in markii xaalad xun la galay in lagu qasbanaaday in isaga la aamino taasina ay tahay sababta uusan isku soo sharaxi karin doorashadaan. Cidda laga aamin baxay oo uu Rooble sheegayo inuu isaga ka mudnaaday aaminaada waa Farmaajo, tanina waa dagaal kale oo cad.

3- Rooble wuxuu khudbadiisii Nairobi ku sheegay in la isku dayey in isaga la sumcad dilo oo laga dhigo inuu isaga bixinayo baddii Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay in sidii dadkii hore loogu shaabadeyn jiray inay iibiyeen badda ama ay iibinayaan in duulaan noocaas ah isaga lagu soo qaaday, wuxuuna beeniyey inuu rabo inuu galo heshiis bad ama inay jirto cid Soomaali ah oo geli karta heshiis dhanka badda ah.

Qeybtaan wuxuu si toos ah ugu jawaabay Farmaajo iyo kooxdiisa oo isku dayey inay Rooble ku shaabadeeyaan inuu rabo inuu arrinta badda kala hadlo dowladda Kenya. Waa jaawaab culus oo ku fooggan qoraalkii uu Farmaajo ku muujiyey in Kenya lala geli rabo heshiis halis ah. Tani waa astaan kale oo muujineysa meesha labada nin weli kala joogaan.

4- Rooble wuxuu sheegay inuu ka tanaasulay damaciisa musharaxnimada, isagoo fursad fiican heysta si uu dalkii lagu aaminay u badbaadiyo, sidoo kalana aysan macquul aheyn in qof kale damaciisa dalka loo afduubo, tanina waa jawaab la xiriirta damaca doorasho ee Farmaajo.

5- Arrinta qaadka, wuxuu sheegay inuusan hadda arrimo jaad u imaan Nairobi, balse ay labada dal bilaabanayaan wada-hadallo iyo kulamo lagu soo celinayo cilaaqaadkii iyo wax wadaagii, wuxuuna sheegay in natiijada wada-hadalaas haddii ay kasoo baxdo arrin ku saabsan qaadka inaysan dhib laheyn. Halkaas waxaa iyadana laga fahmay in heshiisyada ganacsiga deg deg loo guda geli doono oo aan loo xayirnaan doonin Farmaajo, wuxuuna Rooble sheegay in wada- shaqeynta madaxda sare ay waajib tahay.

Khudbadii uu Rooble ka jeediyey magaalada Nairobi markii indho siyaasadeed lagu fiiriyo waxay muujineysay inaan labada nin weli si rasmi ah u heshiinin, laakiin illo xog-ogaal ah waxay sheegayaan inay jiraan wada-hadalo ay garwadeyn ka yihiin xubno Farmaajo ku dhow dhow oo aaminsan in haddii dagaalka Rooble sii socdo inay halis ku jirto dib u doorashada Farmaajo.

Rooble waxaa la sheegay inuu soo dhaweeyey waan-waantaas, balse wuxuu ku adkeystay in awoodihiisa iyo maamulka xilliga kala guurka aan lasoo faragelin.

Faalladan oo cod ah, hoos ka dhageyso.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid