Sheekh Cabdi Xayi oo ka hadlay haddii ninka xaaskiisa GALMO uu ku qasbo in lagu tilmaami karo kufsi iyo in kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmihii ugu dambeeyey waxaa barashada bulshada Soomaalida ka taagneyd dood ku saabsan haddii lagu tilmaami karo kufsi, haddii ninka xaaskisa galmo ku qasbo, waxaana doodaas kicisay Fatxiya Cabsiiye oo ka dooda arrimaha la xiriirira dumarka.

Fatxiya oo wareysi siisay Talefishin ka howlgala Somaliland ayaa sheegtay in haddii ninka uu xaaskiisa qasbo ama si xoog ah ugu tago loo arki kara kufsi,  taasoo ay si weyn uga hor imaadeen bulshadaiyo culumada Soomaalida.

Culamada ka hadashay arrintan ayaa waxaa kamid ah Sheekh Cabdi Xayi Sheekh Aadan oo ku sugan Magaalada Muqdisho, kaasoo sheegay inaan kufsi lagu tilmaami karin haddii ninka uu xaaskiisa si qasab ah ugu tago.

Sheekh Cabdi Xayi ayaa sheegay in gabadha arrintaan ka hadashay aysan ka hadlin dhaqanka islaamka iyo midka Soomaalida, wuxuuna qeexay waxa kufsi lagu tilmaami karo iyo midda aan lagu tilmaami karin.

“Dadka ka hadlaya arrinkan kama aysan hadlin dhaqanka Islaamka, laba qof oo is qabta oo xalaal isku ah, kufsi lama yiraahdo maxaa yeelay kufsiga marka la qeexayo, waxaa la yiraahda waa isku qasbid la isku qasbo laba qof oo aan xalaal isku ahayn oo mid ka mid ah uusan raali ahayn,” ayuu yiri Sheekh Cabdi Xayi.

Sheekha ayaa sheegay in ay tahay wax laga xishood islamarkaana aan ku jirin dhaqanka Soomaalida in laga hadlo arrimaha la xiriira sariirta qoyska.

“Marka laba qof oo lammaane ah oo si xalaal ah isku qaba wixii dhexmara ma lagu tilmaami karaa kufsi? waa maya, la mana dhihi karo waa kufsi, mana haboona in la hadal hayo arrinkan, sababtoo ah Soomaalideena dhaqankeeda wuxuu yahay in laga xishoodo arrimaha la xirrra sariirta qoyska,” ayuu yiri Sheekh Cabdi Xayi.

Ugu dambeyntii sheekh Cabdi Xayi ayaa sheegay in Nabi Muxamed NNKH noloshiisa oo dhan inuu xaasaskiisa ula dhaqmi jiray si qurux badan, wuxuuna sidoo kale sheegay in xaasaskiisa ay mar kasta ku farxi jireen joogitaaniisa iyo naxariistiisa.

“Wuxuu Nabi Muxamed NNKHxaasaskiisa ula dhaqmi jiray si aad u qurux badan oo naxariis leh oo nolosha qoyska sida ugu fiican u maareeyay ayuu ahaa, wuxuuna na baray sida ugu wanaagsan ee loo maareeyo arrimaha la xiriira qoyska, Nabi Muxamed NNKHMuslimiinta raacsanna wuxuu shahaado sharaf uu ku siiyay oo qiimahooda, quruxdooda iyo fiicnadoodaba uu uga dhigay inuu yiri waxa idin kugu iimaan badan oo dadka idin kugu akhlaaqsan dadka haweenkooda ugu aqiyaarsan taasi waxay ku tusinaysaa ninba ninka uu uga roonyahay xaaskiisa oo uga dhaqaalayn badanyahay oo uga ixtiraam badanyahay inuu ka qayr badanyahay,” ayuu yiri Sheekh Cabdi.