CIRRO oo walaac xoogan ka muujiyey hal arrin, kadib doorashooyinka billowday

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal, Mudane Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) oo war qoraal ka soo saaray doorasooyinka billowday ayaa walaac ka muujiyey sida loo qabtay doorashooyinkii Aqalka Sare ee ka dhacay Garoowe iyo Dhuusamareeb ee maamullada Puntland iyo Galmudug.

Cirro ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan-yahay in la tartamo oo tanaasul la’aan ay codeynta doorashada u dhacdo, si uu tartanka socda u noqdo mid lagu qanco.

“Waan jeclaan laheyn in la tartamo oo tanaasul la’aan ay codeynta u dhacdo ,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Xasan Cirro.

Dhinaca kale wuxuu tilmaamay inuu soo dhoweynayo natiijooyinka haatan ka soo baxay doorashooyinkii qabsoomay ee Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

“Waan soo dhoweyneynaa in natiijada si sharciga waafaqsan ku soo baxday,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Ugu dambeyn guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee heer federaal ayaa doorashadii shalay ka dhacday Dhuusamareeb, kadib ku ammaanay Galmudug ilaalinta qoondada haweenka ee 30%, maadaama lixda kursi ee la doortay labo ka mid ah ay yihiin dumar.

“Waa tallaabo ammaan mudan sida qoondada haweenka xil isaga saaray hoggaanka Galmudug,” ayaa markale lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska guddoomiye Cirro.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo doorashooyinkii Aqalka Sare ee ka kala dhacay Garoowe iyo Dhuusamareeb ay Senatarada ku soo baxeen tartan la’aan, kadib markii ay tanaasuleen musharraxiintii la tartami lahaa, taas oo macno beel doorasho lagu tilmaamay.