XOG: XAAF oo laga yaabo inuu u tanaasulo QEYBDIID iyo waxa uu dhaafsanayo

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Mid ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee uusan weli ku dhawaaqin madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa waxaa ku tartamayo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo muddo 4 sano ah ku fadhiyey kursiga laga leeyahay Koonfurta Gaalkacyo iyo madaxweynihii hore ee Maamulkaas Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor ayaa dib u dhigay magacaabista liiska kursigaan oo la filayo in loo xiro Cabdi Qeybdiid, waxaana kursigaan ka taagan dood culus oo ka dhex jirto Beesha Sacad oo ah Beesha isla leh kursiga iyo madaxweyne Qoor Qoor.

Sida ay xogta ku heleyso Caasimada Online, waxaa socdo wada-hadal u dhaxeeyo madaxweynaha Galmudug iyo Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, waxayna wararka hoose sheegayaan  inay suuragal tahay in Xaaf lagu qanciyo inuu isaga haro tartanka kursiga.

Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor ayaa Xaaf usoo bandhigay in la siiyo mashruuca soo dajinta qaadka ee Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, sidoo kalana la siiyo lacag si uu isaga haro tartanka kursiga islamarkaana loo siiyo Cabdi Qeydiid.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonaan karo , madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa dalbaday in la siiyo lacag illaa 2 Malyan ah si uu isaga haro tartanka, balse waxaa arrintaas ku gacan seyray madaxweyne Qoor Qoor oo u sheegay inuusan hadda awoodin bixinta lacag intaas la eg balse uu isaga diyaar u yahay in lagu wareejiyo mashruuca soo dajinta qaadka ee Muqdisho la keeno.

Haddii Xaaf uu aqbalo qorshaha uu wado Qoor Qoor, waxaa hoos u dhici doonto cabsida laga qabay dhibaato ka dhalato kursiga maadaama uu Xaaf ku hanjabay inay dhibaato weyn dhici doonto haddii kursigaan loo xiro shakhsiyaad gaar ah, waxaana sidoo kale jiro musharax u taagan xilkaan balse aad ayey u yar tahay fursadda uu kursigaan kaga qaadan karo Cabdi Qeybdiid.

Sababta Xaaf looga cabsanayo in lagu soo daro dadka u tartamayo kursigan ayaa ah ilaa 3 qodob:

1- Inuu taageero weyn ku dhex leeyahay Baarlamaanka Galmudug
2- Beesha kursiga iska leh oo uu taageer xoog leh ka heysto.
3- Inuu yahay siyaasi diyaar u ah inuu lacag xoog leh ku bixiyo sidii uu kursigaas u heli lahaa.

Qeybdiid waxaa lagu eedeenayaa afartii sano ee lasoo dhaafay inuu kursiga ugu adeegay jufadiisa hoose marka la eego sida uu u maareeyey boosas shaqaaleysiin ah, saraakiil la dalacsiiyey iyo dad xilal loo magacaabay intaba.

Galmudug waxay hadda dagaal kula jirtaa Al-Shabaab, dagaalkaan wuxuu qarxay kadib markii kooxdaan qabsatay deegaan kamid ah kuwa ay dagto beesha iska leh kursiga ay ku tartamayaan Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf.

Marka la eego sida uu Cabdi Qeybdiid uga falceliyey dagaalkaas iyo shaqada uu qabtay waxaa macquul ah inay dhinaca kale ka daboosho hoos u dhicii ka dhashay sidii uu u maareeyey fursadihii ay Beesha ka heshay Dowladda Federaalka ah afartii sano ee lasoo dhaafay.