Kenya oo xirtay rag ay baadi-goobayeen Somalia iyo Masar

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda wadanka Kenya ayaa ugu dambeyn gacanta ku dhigtay, isla-markaana xabsiga dhigtay illaa saddex nin oo loo heysto falal la xiriira agagixisanimo, kuwaas oo laga baadi-goobayey gudaha dalalka Soomaaliya iyo Masar.,

Booliska Kenya ee la dagaalanka argagixisada ayaa gacanta ku dhigay saddexdan qof oo uu mid ka mid ah yahay Masaari, halka labada kale ay yihiin Kenyaan asal ahaan Soomaali ah.

Saraakiisha ammaanka ee dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in raggan lagu qabtay magaallo xeebeedka Mombasa, xilli ay wadeen falal ay ka shakiyeen ciidanka amniga.

Saddexda nin ee haatan xiran ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Mohamed Shendy Elhosseiny, Mustafa Abdi Saciidi iyo Mohamed Mohamed Abdullahi.

Sidoo kale raggan oo labo ka mid ah ay baadi-goobayeen dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa waxaa lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin koox argagixiso ah oo ku kala sugan dalalka Kenya, Uganda, Soomaaliya iyo Masar, sida laga soo xigtay saraakiisha ciidanka Booliska.

Raggan oo sidoo kale maxkamadda ka soo muuqday ayaa waxa ay amartay in xabsiga lagu haayo muddo 15 cisho ah, si loo soo dhammeystiro baaritaanka eedaha loo soo jeediyey.

Kenya ayaa si aad ah u xoojisay howl-gallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada, kadib markii ay kasii dareen weerarada ay Al-Shabaab ka geysato gudaha wadankaasi.