Rooble oo shaaciyey xog ku saabsan doorashada oo caqabad cusub noqon karta

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu horeysay faahfaahin ka bixiyey dhaqaalaha ku baxayo doorashada dadban ee Soomaaliya iyo qoondada laga sugayo Beesha Caalamka, oo caqabad ay ka taagan tahay.

Rooble ayaa sheegay in dhaqaalaha ku baxayo doorashada dadban ee Soomaaliya ay gaareyso illaa $26 Malyan, taasoo inteeda badan laga sugayo beesha Caalamka.

Rooble ayaa xaqiiiyey in weli lacagtaas aysan soo wada gelin gacanta Xukuumadda Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in beesha Caalamka laga helay dhaqaalihi ugu horreeyey.

Sida uu sheegay Rooble, dhaqaalahaasi ayaa laga hayaa 7.2 Milyan Dolllar oo ay dhowaan kala saxiixdeen Xafiiska Ra’iisal wasaaraha iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Lacagta ay beesha Caalamka bixiso maahane inta kale ayaa la qoondeeyey in laga qaado musharixiinta u taagan xilalka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana musharixii u tartamayo xilka aqalka sare laga rabaa inuu bixiyo lacag gaareyso ilaa 20 kun oo dollar halka haweenka laga rabo 10 kun oo oo dollar, sidoo kale musharixiinta aqalka hoose ayaa laga rabaa 10 kun oo dollar halka kuwa haweenka ah laga rabo 5 Kun oo Dollar.

Maalmaha soo socdo ayaa waxaa la filayaa inay Muqdisho isugu imaadaan golaha wadatashiga qaran, waxaana la filayaa in kulankaas lagu ansixiyo miisaaniyadda doorashada Soomaaliya ee 2021.

Rooble wuxuu sheegay in doorashada ay duwan tahay doorashadii hore, ergaduna ay tahay labalaab, laakiin lacagta inteeda badan aysan soo xeroon, ayna arrintaas uga hadli doonaan shirka Wadatashiga qaran ee Muqdisho ka dhacaya maalmaha soo socdo.

Ra’isulwasaare Rooble oo hadda ku maqan safar dalka Kenya ah ayaa la filayaa inuu dalka dib ugu soo laabto 2 berri kadib, wuxuuna xooggiisa isugu geyn doonaa sidii uu usoo xareyn lahaa lacagta ku baxeyso doorashada si loo bilaabo doorashada aqalka Hoose oo aan weli bilaaban.

Mar kasta oo doorasho ka dhaceyso Soomaaliya beesha Caalamka ayaa bixiso lacagta ugu badan ee doorashada ku baxeyso, waxaana sanadkaan weli la heli la’yahay lacagihii ka imaan jiray beesha Caalamla taasoo ay sabab u tahay khilaafka mudada dheer u dhaxeeyey saamileyda siyaasa.

Doorashada Soomaaliya ee madaxtinimada ayaa loo balansan yahay in ay qabsoonto 10-ka October, 2021. Balse waxaa laga cabsi qabaa in mar kale dib-u-dhac uu yimaado maadaama dhaqan-gelinta jadwalkii lasoo saarey 27-dii May 2021 la baalmaray taariikhaha qaar.