Xog: Xiisad cusub oo ka dhex taagan Beesha Xawaadle iyo madaxweyne Guudlaawe

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xiisad cusub ay ka dhex-qaraxday madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe iyo beesha Xawaadle, oo horey isugu hayey arrimaha maamulka HirShabeelle.

Xiisadda cusub, ayaa sida aan xogta ku helnay waxay salka ku heysaa jagada madaxa hay’adda duulista rayidka Soomaaliya, oo hadda xilkaas uu hayo Axmed Macallin oo beesha Xawaadle kasoo jeeda, balse la doonayo in la beddelo.

Xubno ka tirsan beesha ayaa sheegay in Madaxweyne Guudlaawe uu doonayo in qof ay isku beel yihiin xilkaas loo magacaabo, ayada oo arrimahaas ay kala shaqeynayaan madaxda sare ee dowladda federaalka.

Xildhibaano iyo siyaasiyiin kasoo jeeda beesha Xawaadle ayaa arrintan aad uga horyimid, ayaga oo madaxweyne Guudlaawe ku eedeeyeey inuusan diyaar u aheyn in isaga iyo beesha ay isku soo dhowaadaan.

Xildhibaan ka tirsan baarlamanka, kana soo jeeda beesha ayaa Caasimada Online u sheegay “In Cali Guudlaawe uu raadsado xilalka waxey keeni doontaa in beesha Xawaadle ka fiirsato kalsooni ay siiyaan, si uu HirShabeelle u hoggaamiyo.”

Sida aan xogta ku helnay, xildhibaano ay ka mid yihiin Farxiyo Muumin, Cabdirisaaq Dheere iyo Goodax Barre ayaa qorsheynaya inay la kulmaan madaxweyne Guudlaawe, oo ay kala hadlaan arrirntan. 

Sidoo kale, xildhibaanada, siyaasiyiinta iyo waxgaradka beeshan ayaa qaban-qaabinayaan kulan ay arrintan uga qaadanayaan mowqif mdieysan.

Beesha Xawaadle ayaa Cali Guudlaawe diidaneyd tan iyo marki loo doortay madaxweynaha HirShabeelle, ayada Jeneral Xuud iyo maleeshiyadiisa ay ku baaqeen in lala diriro, waxaana xiisadda cusub ay sii kala fogeyn kartaa labada dhinac. 

Dhinaca kale, waxaa caddeyn aragtida arrrintan ku aadan ee uu qabo madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed, oo kasoo jeeda beeshan.