Musharaxiinta oo kulan deg deg ah ka yeelanaya habraac doorasho oo halis ah oo lasoo wado – Maxaa ku qoran?

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa la filayaa inay kulan deg deg ah isugu yimaadaan berri, kadib markii ay warheleen qabyo qoraalka hindisaha Habraaca Xulidda Ergooyinka Doorashada oo la filayo in dhowaan lasoo saaro.

Sida ku cad qabyo qoraalka hindisahan, oo ay aragtay Caasimada Online, wuxuu awood badan siinaya Madaxda Dowlad Goboleedyada, taasi oo keeni kartaa inay kusoo saartaan xildhibaanada ay ayaga doonayaan, meeshana kaga saaraan xildhibaano badan oo ah kuwa caan ah oo hadda kursi ku fadhiya.

Midowga Musharaxiinta ayaa ka cabsi qaba in hindisahan uu sahlo in doorashada xildhibaanada golaha shacabka loo musuq-maasuqo si la mid ah tan Aqalka Sare, oo madax goboleedyada ay cidda ay doonaan kusoo saarteen.

 

Sida muuqata, musharaxiinta mucaaradka iyo madax goboleedyada oo markii hore isbaheysi ahaa ayaa hadda ku kala tagaya dano iyo damac siyaasadeed, waxayna noqon doontaa markii u horreysay ay is qabtaan saamileyda siyaasadeed ee ku midoobay Madasha Badbaado Qaran.

Dhinaca kale, guddiga doorashada heer federal ayaa qoraal kooban oo uu facebook soo dhigay ku yiri “Dhammaan Daneeyayaasha siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed waxaan ku war gelinaynaa in aysan jirin wax habraac doorasho Golaha Shacabka ah oo uu Baahiyey Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal.

Hase yeeshee, waxaa xusid mudan in hindisahan uu yahay qabyo qoraal, oo aanu weli guddiga kasoo bixin, taasi oo macnaheedu yahay in guddiga ay beeniyeen kaliya inuusan ayaga kasoo bixin, balse aysan beenin jiritaanka qabyo qoraalka.

Hoos ka aqriso qabyo qoraalka. 

Hindisaha Xulidda Ergooyinka Doorashada

A) Ergada Doorashada ee ka kooban 101-da ergo ee ka codeeynaya DXDF waxaa soo xulaya duubabka, nabaddoonada ka diiwan gashan DXDF iyo Bulshada rayidka ah (oo ka wada tirsan qabiilka ama jufooyinka wadaaga kursiga), waxaana la hubinaya DXDF. 

Sidoo kale ergada Banaadiriga iyo Somaliland ee ka codeenaya Muqdisho waxaa soo xulaya duubabka, nabaddoonada iyo bulshada rayidka (oo ka wada tirsan qabiilka ama jufooyinka wadaaga kursiga) ee la isla ogolyahay, waxaana dabagalaya oo korjoogteynaya Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha. 

B) Liiska ergada kursi kasta waa in ugu yaraan, ku jiraan 31 haween ah. 

C) Xubnaha bulshada rayidka ee ka qayb qaadanaya xulista ergad waxay ka kala imaanayaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida haweenka, dhalinyarada (18-35 jir), dadka baahiyaha gaarka ah qaba, culimada, ganacsatada iyo aqoonyahanada ka soo jeeda jufada ama jufooyinka kursiga wadaaga. 

D) Xubin kasta oo ka mid ah xubnaha xulitaanka ergada kama tirsanaan karto guddi xulis ergada kursi kale marka laga reebo jufooyinka wadaaga ergada. 

E) Xubin ka tirsan Xubnaha Xulitaanka Ergada ma noqon karo ergo ama murashax doorashada u tartama. 

F) Xubnaha Xulitaanka Ergada waxay u soo xulayaan ergada doorshada si wadar-ogol ah si waafaqsan hab qaybsiga beesha. 

G) Kooramka codbixinta ergada wuxuu ansax noqonaya marka ay joogaan ugu yaraan saddex meelood labo meel (2/3) ergo ah. 

H) Si loo hubiyo hufnaanta amni iyo sugnaanta ergada, Iiiska ergada ee kursi kasta waxaa hubinaya guddi-hoosaadka amniga iyo arrimaha gudaha ee DXDF si looga hortago faragalinta argagixisada (Iyagoo ka hubinaya hey’adaha danbi barista) iyo xasilloonni darrada amni ee doorashada. Sidoo kale, kuraasta Somaliland iyo Banaadiriga, waxaa hubinaya hay’adaha amniga, waxaana korjoogteynaaya Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.