Muxuu R/W ROOBLE kala hadlay xildhibaanada uu kula kulmay Nairobi? + Sawirro

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, ayaa maanta waxa uu kula kulmay Xildhibanada Soomaaliyeed ee ku jira Baarlamaanka Kenya.

Kulanka Rooble iyo Xildhibaanada Soomaaliyeed ayaa waxaa looga hadlay xiriirka Kenya ee dhawaan dib cagaha loogu taagay, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale waxa kulankaas looga hadlay danaha dadka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dalka Kenya, oo uu sheegay Ra’iisul wasaaraha inay muhiimad gaar ah siinayaan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa kal hore sheegay in dalka Kenya uu ku noolaa 13-sano, isla markaana uu aaminsan yahay in Soomaaliya uu muhiim u yahay xiriirka Kenya oo wanaagsanaada.

Kulankaan ayaa qeyb ka ah kulamo uu Ra’iisul wasaaraha ka wado magaalada Nairobi, kuwaasi oo uu la qaatay Beesha caalamka iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya, oo warbixin guud uu ka siiyey xaaladda uu dalka marayo, doorashada ka socota iyo ujeedka safarkiisa Kenya.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa dadaal badan ku bixiyay in uu dib u soo laabto xiriirkii wanaagsana ee Kenya iyo Soomaaliya, xili dhaawaan labada dal ay dib u furaan safaaradihii Muqdisho iyo Nairobi.