Al-Shabaab oo qabsaday deegaan hoostaga Cadaado iyo Galmudug oo ka hadashay

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno deegaan lagu magacaabo Cadakibir oo qiyaastii 40-KM koonfur – bari ka xiga magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud waxay sheegayaan in gabal dhicii  galabta ay weerar kula wareegeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaal xoog leh uu ka dhacay deegaanka, kadib markii Al-Shabaab ay dhowr jiho ka soo weerareen ciidamo tiro yar oo ka tirsan daraawiishta Galmudug oo Cadakibir ku sugnaa.

Wararka aan ka helnay dadka deegaanka waxay tilmaamayaan in ciidamada Galmudug laga qabsaday Cadakibir, isla markaana ay u carareen dhanka deegaanka Godinlabe oo dhaca inta u dhaxeysa Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Qoraal lagu baahiyey bogga Facebook ee wasaaradda amiga Galmudug ayaa lagu sheegay in ciidanka daraawiishta Galmudug ee ku sugan deegaanka Cadakibir ay iska caabiyeen weerar ay galabta ku soo qaaday kooxda Al-Shabaab, isla markaana khasaare xooggan dagaalamaashii soo qaaday weerarka kala laabteen halkaas.

“Kooxda argagixisada Shabaab oo dagaallo ay la galeen ciidamada Galmudug iyo kuwa qaranka labadii billood ee u danbaysay deegaanno badan looga qabsaday, isla markaana jab xooggan oo dhan walba ah lagu gaarsiiyey ayaa isku dayaya in ay soo qaadaan weeraro nafla-caari ah oo ay maleeshiyaadkooda si qasab ah lagu galinayo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Warkaan ay baahisay wasaaradda amniga Galmudug ayaa intaas ku sii daray, “Magaalooyinka Cadaado, Baxdo iyo Godinlabe ayaa lagu soo waramayaa in ay ka baxayaan gurmadyo ciidan oo ku wajahan aagga Cadakibir, waxaana la dareemayaa abaabul xooggan oo magaalooyinkaas iyo deegaanada hoostaga ka soconaya.”

Al-Shabaab ayaa weerarro adag bilihii u dambeeyey kala kulmay ciidanka Qaranka iyo kuwa daraawiishta Galmudug, waxaana gacantooda ka baxay inta badan gobolka Mudug, balse waxay ku xoogan yihiin deegaano badan iyo degmooyin dhaca bariga gobolka Galgaguud ee Galmudug.