Gudoomiyihii gudiga xalinta khilaafaadka doorashada oo Muqdisho ku geeriyooday

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Muqdisho ku geeriyooday guddoomiyihii guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada Soomaaliya  Cabdullahi Abyan Nuur, sida ay ilo kala duwan u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Marxuumka ayaa goordhaw ku ku geeriyooday Isbitaal Martiini, sida noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan guddiga xalinta khilaafaadka. Guddoomiyaha waxaa laga helay cudurka Coronavirus, sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay waxaa la sheegay inuu hayey xanuun dhanka kiliyaha ah.

Guddiga uu hoggaaminayey marxuum Cabdullahi Abyan ayaa maalmihii dambe ku howlanaa doorashada Soomaaliya, waxuuna ka mid ahaa xubnihii Jubbaland u tegay doorashadii Senatorada Aqalka Sare ee ka dhacday Kismaayo.

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa qoraal uu ka soo saaray geerida marxuumka ayaa yiri, “Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa dhamaan qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, geerida ku timid Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Guddiga Xalinta Khilaadka ee Heer Federal Cabdullaahi Abyan Nuur oo ku geeriyoodey magaalada Muqdisho.”

Dhanka kale qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu yiri, “Naxariistii Janno Allaha siiyo Guddoomiyihii Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee Dalka marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur oo Muqdisho ku geeriyooday. Waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, asxaabtiisii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Sabar iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, marxuumkana Jannadii Firdows Eebbe ha ugu deeqo.”

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa isna qoraal uu ka soo saaray geerida marxuumka waxa uu ku yiri, “Innaa lillaah wa innaa Illeehi raajicuun anigoo ku hadlaya magaca guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka Waxaan Qoyskiisa,Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka heer Federaalka iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeynayaa geerida ku timid Allaha ha u naxriistee Marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur oo ahaa Guddoomiyihii Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka heer Federaal oo Caawa ku geeriyooday Magaaladda.”

Allaha u naxriistee Marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur ayaa xilal kala duwan dalka ka soo qabtay, isagoo mar soo noqday Wasiirkii Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, xilligii xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) sidoo kale dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka heer federaal.