Wasiir ka tirsan DF oo shaacisay xaalad halis ah oo ka taagan Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur ayaa shaacisay in magaalada Muqdisho ay ka jirto Oxygen la’aan, xili ay maanta ka qeyb gashay shir u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo looga hadlayay cudurka Covid-19.

Cudurka safmarka ah ee Covid-19 oo mar saddexaaad ku soo kacleeyey dalka ayaa waxay sheegtay wasiiradu in caqabadda ugu weyn ee xiligan taagan ay tahay Oksijiin (Oxygen) la’aanta ka jirta goobaha Caafimaadka, kuwaasi oo la geeyo bukaano la ildaran Coronavirus.

Waxay xustay in qaar kamid ah dadka uu haleelay cudurka Coronavirus ay u geeriyoodeen Oxygen la’aan, maadaama ay waayen neefta macmalka ah, inkasta oo ay markii dambe rejo wanaagsan ka muujisay in dalka la keeno Warshadihii sameyn lahaa, si looga gudbo dhibaatadaas.

Soomaaliya ayaa waxaa cudurka safmarka ah ee Coronavirus laga diiwaan-geliyay 16,195 kiis, waxaa ka caafimaaday ilaa hadda 7,888 oo keli ah, halka dadka u geeriyooday ee u diiwaan gashan wasaarada ay gaareen 870.

Si kastaba, cudurka Coronaha ayaa muddooyinkii dambe mar saddexaad kusoo labo kacleeyay dalka, ayada oo kor u kaceen kiisaska cudurkaas, oo billihii hore uu ku yimid hoos u dhac ballaaran.

Cudurkaan waxaa caawa isbitaalka Martiini ugu geeriyooday Allaha u naxariistee guddoomiyihii guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada Soomaaliya Cabdullahi Abyan Nuur. Marxuumka ayaa laga helay cudurka Coronavirus, sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay waxaa la sheegay inuu hayey xanuun dhanka kilyaha ah.