Sanad kadib ceyrintii Xasan Kheyre, maxaan ka baranay siyaasadda isku daneysiga?

Hal sano kahor, 25-kii bishii tagtay ee July waxaa kala tegay mid ka mid ah lamaanayaashii ugu isbaheysiga adkaa siyaasadda Soomaaliya ee madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaarihiisii Xasan Cali Kheyre, oo hadda ah musharax madaxweyne.

Sida Xasan Cali Kheyre uu ku baxay iyo sanad kadib wixii dhacay waxay cashar weyn naga barayaan siyaasadda daneysiga ku dhisan ee Soomaaliya, iyo halka ay ku dhammaadaan siyaasiyiinta loo adeegsado danaha shaqsiyeed.

Maxaa isku hayey Farmaajo iyo Kheyre?

Farmaajo iyo Kheyre markii horeba kuma wada joogin is-jaceyl iyo dan Soomaaliyeed ee waxaa isku hayey dan siyaasadeed, oo midba uu dhinaciisa ka ilaashanayey.

Kheyre wuxuu ku fariistay kursi uusan maqam iyo saameyn siyaasadeed ku helin, islamarkaana uusan weligiis ku hamin, halka Farmaajo uu helay ra’iisul wasaare edban oo fuliya siyaasadihiisa khalafsan ee xooggooda lagu caburinayey shacab iyo siyaasiyiin ku beel ah Kheyre, iyo Soomaali kale oo Farmaajo cadow u arkay.

Intii uu Kheyre ra’iisul wasaare ka ahaa dal, waxaa xadgudubyo waa weyn loo gaystay shacab iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed, oo u badan reer Muqdisho, ayada oo xukuumaddiisa ay fulineyso siyaasadda Farmaajo.

Tacaddiyadii xukuumadda Kheyre

Xukuumaddii Kheyre waxay 20-kii August 2017 Ethiopia u gacan gelisay muwaadin Soomaaliyeed, Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax, kadibna waxay urur gobanimo u dirir ah oo Soomaaliyeed, ONLF ku calaameysay inuu yahay urur argagixiso, ayada oo noqotay dowladdii ugu horreysay caalamka ee sidaas sameysa.

Xukuumaddii Kheyre waxay amartay weerarkii 18-kii December 2017 lagu qaaday guriga Cabdiraxmaan Cabdoishakuur Warsame, oo lagu dilay qaar ka mid ah ilaaladiisa, isagana dhaawacyo iyo jirdil loogu gaystay.

September 22, 2019, xukuumaddii Kheyre waxay bah-dishay oo ay maqaamkooda meel uga dhacday madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Maxamuud oo loo diiday inay garoonka Muqdisho uga dhoofaan Kismaayo.

Xukuumaddii Kheyre waxay sidoo kale fulisay soo qabashadii Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ee December 2018 iyo weerarkii ay ciidanka dowladda ku dileen 15 ka mid ahaa shacabkii ka dibad-baxay qabashadaas.

Tacaddiyada ay xukuumaddii Kheyre geysatay ma ahan wax lasoo koobi karo, hase yeeshee intaas waa kuwii ugu waa weynaa.

Maxay isku qabteen Farmaajo iyo Kheyre?

Farmaajo iyo Kheyre waxaa isku daray dantii marki hore isku keentay. Kheyre waxa uu soo damcay kursigii Farmaajo, isaga oo kasoo gudbay xeendaabkii fulinta danaha siyaasadeed ee Farmaajo.

Inkasta oo Kheyre isu muujiyey inuu diidanaa damacii muddo kororsiga Farmaajo, iyo inuu ilaalinayey dastuurka, haddana ku dhowaaqistiisa musharaxnimo ee bilo un kadib ayaa muujiyey, in dan shaqsi uu kaga horyimid Farmaajo.

Kheyre wuxuu yeelan waayey karti iyo go’aan siyaasadeed oo uu mowqifkiisa ku caddeeyo si toos ahna uga horyimaado Farmaajo, wuxuuna billaabay inuu isku dayo inuu kursigana kusii fadhiyo, hoosna ka xagal-daaciyo Farmaajo, taasi oo keentay in yadda lagala hormaro.

Sideee Kheyre ku baxay?

Muddadii uu xilka hayey Kheyre, wuxuu lacag iyo dacaayado badan ku bixiyey inuu isu muujiyo inuu yahay ninka ugu awoodda badan Nabad iyo Nolol, ayna ku xiran yihiin inta badan xildhibaanada golaha shacabka.

Si kastaba, Kheyre wuxuu noqday ra’iisul wasaarihii ugu dhibka yaraa Soomaaliya ee xil laga qaado, markii lagu kala baxay 7 daqiiqo gudahood, inkasta oo habkii sharci ahaan loo maray ay su’aalo badan ka taagan yihiin.

Iska daa, xildhibaanada xulufada la ah Farmaajo e, waxaa xitaa xil-ka-qaadistiisii u codeeyey xildhibaano aan weligood taageerin Farmaajo, oo illaa maanta mucaarad ku ah, taasi oo muujisay sida uu cidlada siyaasadeed ugu jiray.

Maxaan baranay sanad kadib? 

Casharka ugu weyn ee xil-ka-qaadista Kheyre aan ka baranay ayaa ah aayo xumada siyaasadeed ee u danbeysa siyaasiyiinta lagu daneysto ee aan go’aan qaadasha laheyn.

Kheyre, wuxuu goobjoog u noqday tacaddiyo badan oo dalka ka dhacay, oo illaa iyo hadda ay tahay in wax laga weydiiyo, markii uu isku dayey inuu Farmaajo xagal-daaciyana si fudud ayaa loo siibay.

Wuxuu dib ugu soo laabtay siyaasiyiinta uu ku xadgudbay, oo uu soo hoos-fariistay, sida Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, waxaana si bah-dilaad ah loogu qasbay inuu raali-gelin siiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, si uu usoo galo xeendaabka mucaaradka, taasi oo uu aqbalay.

Kheyre wuxuu tusaale iyo cashar siyaasadeed nool u yahay siyaasiyiinta lagu daneysto iyo meesha ay ku dambeyn doonaan.

W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow
Minneapolis, Minnesota

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid