Arrin lagu tuhmayo Somaliland iyo Masar oo walaac ku abuurtay Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya shakiga la qabo in dowladda Masar ay kaalin ku lahayd in Somaliland laga dhaadhiciyo inay aqbasho heshiiska saldhigga Berbera ee Imaaraadka, kadib markii ay soo baxeen warbixino sheegaya in saldhigaas loo adeegsan doono in lagala dagaalamo mucaaradka Yemen.

Bishii April ee sanaddii tagtay, wufuud ka socota Masar oo ay ku jiraan safiiradeeda Jabuuti iyo Kenya iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ayaa booqasho ramsi oo heer sare ku tagay Hargeysa, taasi oo bilow u ahayd wada-hadallada.

Isaga oo hadlay kadib booqashada oo qaadatay laba maalmood ayaa ku xigeenka safiirka Masar ee Jabuuti Haydam Omar, wuxuu diiday inuu faah-faahiyo ujeedada rasmiga ah ee socdaalkooda.

Wafdigaas oo matalayey xulufada toddobada dal ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Shiicadaha ah ee Yemen, ayaa madaxweyne Siilaanyo ka dhaadhiciyey inuu saldhig milatari ka kireeyo Imaaraadka, sida ay ogaatay shabakadda alleastafrica.com.

Wixii markaas ka dambeeyey ayaa saraakiisha Imaaraadka waxay sii amba-qaadeen wada-hadallada, oo ugu dambeyn dhaliyey heshiis ramsi ah.

Inkasta oo Somaliland ay sheegtay in saldhigga ay isticmaali doonaan milatariga Imaaraadka oo kaliya, haddana waxaan caddeeneyn haddii uu yahay mid ay wadaagi doonaan dhammaan xulufada dagaalka kula jirta Xuutiyiinta.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Sacad Cali Shire oo kasoo horjeeda heshiiska dekedda Berbera (heshiis ka duwan kan saldhigga) ayaa ka mid ahaa saraakiishii ugu horreysay ee walaac ka muujiyey heshiiska saldhigga isaga oo xusay in Ethiopia ay kasoo horjeedo saldhiggan.

Sacad oo booqday Ethiopia ayaa ka digay in Somaliland aysan awoodi karin inay lumiso xiriirka dalalka deriska ah sida Ethiopia iyo Jabuuti.

Saraakiisha Ethiopia ayaa marar badan muujiyey cabsida ay ka qabaan in Masar ay ku lug leedahay arrintan.

Xiriirka Ethiopia iyo Masar ayaa waxaa aad u wiiqay biyo-xireenka webiga Nile ee Ethiopia ay dhiseyso, taasi oo Masar ay aad uga soo horjeedo.

Sidoo kale, dowladda Jabuuti ayaa uga digtay Somaliland heshiiska ay la gashay Imaaraadka, taasi oo keentay in Imaaraadka ay xiriirka u jaraan Jabuuti.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com