Wax ka ogow quwada milateri iyo tan dhaqaale ee dalka Turkiga

Dhaqaalaha Turkey:

Tan iyo markii uu xukunka qabtey Rajab Tayib Ardogan wadankaasi wuxuu noqdey mid horumar balaadhan ka sameeyey dhinacyo badan, barnaamijkeenana waxaan wax kaga ogaaneynaa quwada milateri iyo ta dhaqaale ee Turkey-ga.

Sida bankiga aduunku cadeynayo waxay kaalinta 17aad kaga jiraan liiska dalalka ugu dhaqaalaha wanaagsan aduunka halka ay kaalinta 1-aad u yihiin dalalka mandaqada beriga dhexe, isagoo turkigu 10 sano ka hor ku jirey kaalinta kaalinta 111-aad waa xagga dhaqaalaha.

Turkigu wuxuu immika ka mid yahay G20 dalalka la yidhaa, waxaanu ka kooban yahay dhaqaalaha wadankaasi 3 qeybood oo waaweyn ee ka tirsan waxsoosaarka dalkaasi ee gudaha loona yaqaan GDP {Gross Domestic Product}.

1: Adeegyada: oo ka noqonaya wax soosaarka 58% waxaana ka shaqeeya 33% cudada shaqaalaha guud.

2: Warshadaha: oo ka noqoneysa wax soosaarka gudaha 29% waxaana ka shaqeeya 20% cudada shaqaalaha guud.

3: Beeraha: waxa ka soo baxa 12% wax soosaarka gudaha waxaana ka shaqeeya in ka badan 40% cudada shaqeysa ee wadankaasi.

Waxaaney boodeen bootin dheer oo xagga dhaqaalaha ah iyagoo welibana iska bixiyey deyntii ragaadisey wadankaasi.

Waxeyna sare u qaadeen wax soosaarka gudaha GDP, 2002 wuxuu ahaa 300 bilyan laakiin 2013 wuxuu noqdey 2 tiriliyan iyo 150 bilyan oo dollarka Mareykanka ah, waana qiimeyn u dhiganta isugeynta 3 wadan ee ugu dhaqaalaha badan beriga dhexe sida Iran, Saudi Arabia iyo United Arab Emirates.

Dhanka kale waxa si wanaagsan kor uga Kacey dakhliga maalin laha ah ee ahaa 2002 qof kastana ahaa $3500 laakiin 2013 wuxuu noqdey qofkiiba ilaa $11,000 Mareykanaka ah.

Waxaana kobacaa dhaqaale ee dhacey ka qeyb qaatey dimuqaraadiyada, cadaalada, xoriyada, xuquuqda bani aadamka iyo degenaanshiyo ka hana qaadey Turkeyga.

Waxaana soo raacda Turkey-ga oo helay cudud dhalinyaro ah oo xirfad leh una diyaara is bedbedelka dhaqaale ee dunida iyadoo warbixin uu soosaarey machadka daraasaadka shaqaaluhu muujineysey in dalkaasi heysto in ka badan 29 milyan oo dhalinyaro xirfad iyo aqoon tacliinta sare ah leh iyo niyad adag oo xamaasad leh, halka ay sanad walba 133-ka jaamacadood ee turkey- gu soosaaraan in ka badan 600 kun oo ardey.

Quwada Milateri ee Turkey-ga:

Quwada milateri ee Turkey-gu waxey ka kooban yihiin 670 kun oo askari waana dalka labaad ee ugu ciidanka badan gaashaanbuurta Naato marka laga reebo Mareykanka, iyagoo ciidanka dhulku yihiin kuwa ay Turkey-gu isku haleynayaan kuwaasoo ka kooban kala badh ciidanka guud ee wadankaasi, waxaaney ku gaashaaman yihiin 4300 taangiyada dagaalka ah, 7500 gawaadhida gaashaman ee dagalka ah iyo xaddi badan oo qeybaha gantaalaha ah waxaana Turkeyga ku yaal saldhigyo milateri oo waaweyn, Ciidamadeeda cirku waa 60 kun oo ku qalabeysan 9000 diyaaradood oo isagu jira sida sahaminta, taakulaynta, xamuulka ciidamada iyo tababarada kuwaas ooy soo raacaan diyaadaha aan duuliyayaasha wadin.

Ciidamada badda ayaa Iyana ka kooban 80 kun oo askari oo haeeta ilaa 200 maraakiibta dagaalka ah, 51 diyaaradood qeybaha kale ee maraakiibta dheereysa waxaana intaasi usii dheer raxan maraakiibta quusta ah, waxa kale oo wadankaasi leeyahay ciidamada ilaalada xeebaha kuwaasoo tiradoodu gaadheyso ilaa 5500 askari kuna qalabeysan 14 diyaarahah helikabtarka ah ee ilaalinta aabilsan iyo 3 diyaaradaha dagaalka ah.

Quwada ciidan ee Turkey-ga balaadhanna waxa ka mid ah ciidanka loo yaqaan Darrik 212 kun oo askari oo ku gashaam gaadiid gaadhaya 1500 gaadhi, 60 diyaaradood oo kuwa helikabtarka ah, waxa ay sidoo kale leeyihiin ciidanka sida gaarka ah u tababaran oo taliskooduna si gaar ah u hoos yimaado taliyaha u sareey ciidanka oo ah madaxeweyanaha Rajab Tayib Ardogan.

Ciidamadu waxa ay hubka ka helaan dalalka Mareykanka, Jarmalka, Ingiriiska, Kuuriyada Koonfureed, Talyaaniga, Faransiiska, Jaban, Shiinaha, Ruushka, Noorwey iyo Iswiidhan.

Haddaba marka laga qiyaas qaato cudada milateri iyo ta dhaqaale Turkiga waxa iska cad cid kasta oo soo faragashata arimaheeda gudaha iney gaashaanka u daruuri karto.

W/D: Abdirahman Kadar Abdi