Reer Muqdisho oo 3 aragti oo is-diidan ku macneeyey magacaabista Xasan Kheyre

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horraantii subaxnimadii Khamiistii wuxuu Xasan Cali Kheyre u magacaabay Ra’iisul Wasaraha dowladdiisa curdanka ah.

Xasan wuxuu qabiil ahaan kasoo jeedaa Hawiye, wuxuu ka dhashay beesha Murusade, gaar ahaan Foorculus, wuxuuna kasii yahay Habar-ceynab, lafta Urgaalle.

Lama filaan ayey ku noqotay inta badan dadka Soomaalida ah, markii ugu horreysay taariikhda dowladnimada Soomaaliya in la helo Ra’iisul Wasaare kasoo jeeda beesha Murusade, tiiyoo xisaabta lagu darsanaayo qaabkii loolanka adag uu muuqday ee ay beelaha Abgaal iyo Habar-gidir ugu hanqal taagayeen kursigaan.

Laakiin Madaxweyne Farmaajo wuxuu isbedel ku muujiyey tallaabadii ugu weyneyd uguna horreysay ee uu qaaday tan iyo markii xilkaan loo dhiibay 8dii Febraayo, ka dibna wuxuu u baxay safar Sucuudiga ah, halkaasoo uu kusoo Cumreysanaayo.

Hadaba, shalay oo Khamiis aheyd 23kii bishaan Febraayo, hadalheynta ugu weyn ee caasimadda Muqdisho waxay la xiriirtay magacaabistii Xasan Cali Kheyre ee timid maalin ka dib markii si rasmi ah xilkaan loogu caleemo saaray Farmaajo.

Dadka fallanqeeya siyaasadda Soomaaliya seddax nuuc ayey u hadlayaan magacaabista 49 sanno jirkaan, iyadoo garab kasta oo miiska soo saaraayo caddeymaha dooodooda iyo udubada ay u cuskanayaan caddeyn ahaan.

Garabka koowaad, waxay aaminsan yihiin inuu Farmaajo ka dhabeeyey isbedelkii uu tilmaamay inuu ku sameyn doono Maamulka Dowladda Somalia markii uu ololaha ku jiray iyo marar badan oo uu saxaafadda la hadlay, lana yimid shaqsi isaga la jaanqaadi kara siyaasad ahaan, kaasoo laga yaabo in aysan aragtidaada iyo danta dalka iyo dadka isku khilaafin.

Inkastoo aysan cidna ka run sheegi karin sida uu u jaro baran yahay Mudane Kheyre, maadaama uu yahay shaqsi ku cusub fooqa sarre ee siyaasadda dalka. Marka ay tahay in laga dhursugo fikradaha iyo ficillada uu lasoo bixi doono. Garabkaan waxaa ugu badan dadka beeleysi ahaan barka la isku yiraahdo, sida dastuurka dalka ku qoran.

Garabka labaad, waxay aaminsan yihiin inuu Farmaajo qaaday tallaabo aan saadaal laga bixin karin, isbedel sidaas ahna uusan sameynin maadaama uu xilkaan u boqray wiil laga yaabo inay dhegta ugu sheegeen beesha ay kasoo jeedo gabadha u dhaxda.

Fallanqeeyeyaashaani waxay u badan yihiin labadii beelood ee sida weyn ugu tartameysay xilka Madaxa Wasiirrada oo isku aragti noqday, maadaama ay labadoodu ku qaadeen jagada labada kursi ee ugu sarreysa dalka markii ugu horreysay muddo 26 sanno ah, sababtoo ah labadooda ayaa helaayey mid ka mid ah labadaan kursi rubac qarnigii uu dalku ku jiray dagaallada sokeeye.

Garabka seddaxaad, waxay ka aragti duwan yihiin labadaan garab ee kale, waan fallanqeeyeyaal siyaasadeed oo aaminsan in wax walba oo la xiriira siyaasadda dalkaan ay jadwal ku qoran yihiin isla markaana aysan jirin cid ka tallaabsan karta, waxayna sheeganayaan inay daaha gadaashiisa uga jeedaan farageliyeyaashii shisheeye oo weli madaxda dalka usoo qoraya tallaabo kasta oo ay tahay inay qaadaan.

Waxaa intan sii dheer oo shakiga kooxdan sii dheereynaya xaqiiqda ah in Xasan Kheyre uu ka tirsan kooxda madaxweynihii hore Xasan Sheekh, lagana yaabo in magacaabistiisi ku timid xeer-jajab, maadaama ay ku dhowaad 100 xildhibaan ku leeyihiin baarlamanka.

Inkastoo ay tahay aragti muran badan dhalisay, hadana waxay ku doodayaan in dadka loo ifinaayo isbedel magac ah balse aan murug lagu kabeyn, sidaas darteed wax walba oo ku xeeran dowladdaan cusub ay markale fashil ku idlaan doonaan sida maamulladii iyada ka horreeyey.

Adigu aragti ahaan akhriste garabkee ayaad ku fikir tahay, si kooban inoola wadaag. Mahadsanid.

W/Q: Xaamud Cabdi Xaamud
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid