Arsenal oo isha la raaceysa daafaca bidix ee kooxda PSV Eindhoven Jetro Willems.

Arsenal ayaa lasoo werinayaa inay markaan shiishka saaraneyso da’yarka dalka Holland ee ka ciyaara daafaca dambeedka bidix Jetro Willems iyadoo tababare Arsene Wenger uu raadsanaayo inuu kooxda kusoo dabaqo daafac adag oo dababka bidix ah. Sida uu qorat wargeyska Caught Offside.

Da’yarka PSV Eindhoven ayaa qeyb ka ahaa xulkii Holland ee tababare Bert Van Marwijk uu kaga qeyb galay ciyaarihii Euro 2012 waxaana xidigaan lala xiriirinaayey ilaa 2011kii inuu ka tago Philips Stadion.

Willems ayaa boos Line-up ah ka heysta PSV, wuxuuna kooxdiisa ka caawiyey inay si heer sare ah ku bilaabato Horyaalka Eredivisie halka ay dhibic ka dambeeyaan kooxda hugaanka heysa ee FC Twente.

Wenger ayaa loo arkaa mid Albaabka tusin doona xidiga reer Brazil Andre Santos kaasoo ay kooxdu ku eedeysay inuu si aan caqli gal aheyn Funaanada uga bedeshay Robin Van Persie, iyadoo lagu eedeeyey inuu sumcada kooxda hoos u dhigay xilli ciyaaryahanka laga reebay kulankii 2-2 ku idlaaday ee Gunners ay booqatay Schalke.

Xidiga dalka England Kieran Gibbs ayaa lagu amaanay sida uu uga soo baxay booskiisa daafaca bidix laakiin nasiib xumo dhaawac ayaa soo gaaray taasoo Wenger ku qasbeysa inuusan ka meermeerin doonashada 18 jirkaan Willems, kaasoo uu macalinka reer France u arko dooq ku fiican Emirates Stadium.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Somalia.