Pep Guardiola oo ku dhowaanaya inuu qabto shaqada Tababarenimo ee Man City.

Pep Guardiola ayaa kusii dhowaanaya inuu qabto shaqada tababarenimo ee Manchester City xilli lala xiriirinaayo in Roberto Mancini albaabka la tusi doono xagaaga. Sida uu qoray wargeyska The Sun.

Tababarihii hore ee Barcelona ayaa kubada cagta ka qaadanaayey sanad nasasho ah ka dib markii uu kooxda reer Spain ka tegay dhamaadkii sanadii hore.

Hada wakiilkiisa ayaa daaha ka rogay in kooxda heysata Horyaalka England ay ka mid tahay kooxaha doonaya tababaraha heerka caalami ee dalka Spain.

Jose Maria Orobitg ayaana hoos u dhigay inay keliya AC Milan rabto tababaraha: “Albaabkoodu wuu u furan yahay, sida kooxo Manchester City, Chelsea iyo kuwo kale.

“Pep wuxuu dhegeysan doonaa dalabyada ka dibna wuu ka fikiri doonaa.

“Laakiin ma aanan ka hadlin wax quseeya Milan sababtoo ah Guardiola kooxna ma qabanaayo ilaa xilli ciyaareedka soo aadan.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Somalia.