Askar badan oo ka baxay Ciidanka Qaranka Ethiopia iyo hoos u dhac ku yimid

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya ee loo yaqaan ENDF ayaa waxaa isaga baxaya askar badan taasi oo qasabtay in la billaabo olole xooggan oo kuwa cusub lagu qorayo, waxaa sidaas weriyey wargeyska Indian Ocean Newsletter.

Wargeyska ayaa sheegay in ciidamada ay askar qoris cusub oo aad u xooggan ka wadaan gobollada dalka, ayada oo la qarameenayo maleeshiyo deegaan, halka kuwa cusub laga dhex qorayo shacabka.

Marka qof isku qoro ciidanka qaranka, waxa uu saxiixaa toddoba sano oo adeeg ah, taasi oo marka ay dhammaato la cusbooneysiin karo toddoba kale.

Hase yeeshee ilo-wareedyo miltari ayaa sheegay in labadii sano ee u dambeysay ay aad u kordhayeen tirada askarta dooranaya inaysan cusbooneysiin ka mid ahaanshahooda ciidanka marka ay dhameystaan toddobada sano ee hore.

Arrintan ayaa sabab looga dhigay ku qanacsanaan la’aan dhanka shaqada ciidanka ah, iyo shaqooyinka aan dowliga ahayn ee dalka oo soo wanaagsanaanaya kana dhaqaale fiican ciidanka.

Waxaa sidoo kale qeyb ka ah xiisadda qowmiyeed ee ka taagan dalka Itoobiya, oo tan iyo markii uu xilka qabtay Abiy Ahmed aad u xoogaysatay.

Sidaas darteed, si looga kabsado hoos u dhaca tirada ciidanka, xilli laga cabsi qabo inay isku dhacaan Masar iyo Itoobiya, oo uu ka dhaxeeya muranka webiga Nile, ayaa saraaiisha ENDF waxay billaabeen olole ciidan qoris oo xooggan.

Askarta cusub ee hadda la qorayo ayaa da’doodu u dhaxeysaa 18 ilaa 22, waxaana shuruudaha lagu xirayo ka mid ah inay taageersan yihiin siyaasadda dowladda oo aysan wax xiriir ah la lahayn xisbi gaar ah.

Itoobiya ayaa ciidamado badana waxay ka joogaan dalal ay ka mid tahay Soomaaliya, oo ay faro-gelin xooggan ku hayaan, ayaga oo taageeraya qorshaha madawxeyne Farmaajo.