Askari baxsad ahaa oo laga soo qabtay guriga siyaasi caan ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka amniga Caasimadda oo xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay howlgalladii ugu dambeeyay ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen degmooyinka gobolka Banaadir.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa inta badan ka qeyb galay saraakiisha amniga, iyadoona uu shir guddoomiyey Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yariisow) guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho.

Saraakiisha laamaha amniga ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay askari baxsad ahaa oo ay in muddo ah ku raadjoogeen ciidamada Booliska Soomaaliya.

Askarigaasi ayaa la sheegay in laga soo qbatay hoyga siyaasi caan oo uu ku dhuumaaleysanayay, inkastoo aysan shaacinlaamaha amnigu magaca siyaasigaasi.

Sidoo kale ciidamada Booliska ayaa gacanta ku soo dhigay kooxo hubeysan oo dhibaato ka geysanayay degmooyinka Hodan, Wadajir iyo Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Guddoomiye Yariisow ayaa sidoo kale warbixino la xariira amniga ka dhageystay qaar ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa howlgallada ka socda Caasimadda.

Shirkan oo todobaadkiiba mar la qabto ayaa waxaa diirada lagu saaraa amniga iyo dhibaatooyinka kale ee ka dhaca gudaha magaalada Muqdisho.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
Caasimada@live.com