IGAD oo war ka soo saartay heshiiskii Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo Dowladda Dhexe

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD Maxbuub Macalin ayaa markii ugu horreysay ka hadlay heshiiskii ay dhawaan wada gaareen Kooxda Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Maxbuub ayaa sheegay in IGAD ay boggaadineyso heshiiskaasi ay magaalada Dhuusamareeb ku kala saxiixdeen labada dhinac.

Sidoo kale waxa uu wax lagu farxo ku tilmaamay in Ahlu-Sunna ay oggolaatay in ciidamadeeda ay ku darto kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xoghayaha ayaa intaasi ku daray in tallaabadan ay dowladda dhexe u suurta galineyso in ay la wareegto guud ahaan amniga dalka.

“Waan soo dhaweyneynaa howlaha ka socda dowlad goboleedka Galmudug iyo ku biiristii ciidamada Ahlu-Sunna kuwa dowladda Soomaaliya,waana garab taaganahay,waxaana ugu baaqayaa dadka ku nool deegaanada Galmudug inay halkaasi ka sii wadaan howlaha dib u heshiisiinta ah, si guulo waa weyn loo gaaro” ayuu yiri Maxbuub Macalin.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa dhawaan si rasmi ah Ahlu-Sunna ugala wareegay ciidamaddii hoostagayay, si loogu biiriyo kuwa dowladda.

Xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ayaana diiwaan gelin ku bilaabay ciidamadaasi.

Arrintan ayaa qeyb ka aheyd guulo ay dowladda federaalka ka gaartay maamulka Galmudug oo dhawaan galaya doorasho.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
Caasimada@live.com