Baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo yaalo Muqdisho iyo ciidamada DF oo ku hareereysan

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas yaalo gaari loo maleenayo in lagu soo xiray waxyaabaha qarxa.

Gaariga ayaa yaal meel aan ka fogeyn Isgoyska Digfeer, gaar ahaan jidka aado Soone K, waxaana ku hareereysan Ciidamada Booliska Dowladda.

Gaarigaan oo ah Surf Madow ayaa damacday inay ka baxsato Ciidamada Dowladda, wuxuuna darawalka kor marsiin rabay Carro ay Dowladda horey ugu xirtay Jidadka.

Gaariga ayaa hadda waxaa ku hareereysan Ciidamada Dowladda, waxaana  dhawr jeer lagu riday xabad.

Waxaa la rumeysan inay gaariga saaran yihiin laba qof, waxaana dhawr jeer kor loogu riday xabo balse dadka saaran kaliya waxay daarayaan Fareejo mana jirto qof kasoo dagay.

Dadka  deegaanka ayaa kala cararay, waxaana loo badinayaa inuu gaariga yahay mid miineysan maadaama dadka saaran ku dhawaad 30 daqiiq aysan kasoo dagin iyagoo u jeedo in ciidamo ku hareereysan yihiin.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com