ASKARIGA IYO NOLOSHA MUQDISHO!!

Mudane & Marwooyin

Magacaygu waa Dahabo Yusuf, waxaan ahay sargaalad katirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Waxaan ku noolahay Magaalo madaxda Muqdisho. Da’deydu waa 42 jir, waxaan koriyaa 3 caruurah oo agoon ah, waxaan deganahay 1 qol oo kiro ah. Mushaar keygu waa $130 bishii. Qarashkeyguna waa:

Mushaar                              $130
Qarash
Kirada guriga  50
Koronto  30
Biyo  30
Raashin 300
Iskuulka caruurta   30
Dhar   30
Caafimaad   30
Wadar                                  $500
Deyn                                  (350)

Mud & Mar: Magaceygu waa Raage Ugaas 32 jir XDS kana howlgala  magaalo madaxda dalka.

Anigu waxaan 2 sano kujiray furinta, waaku soo dhaawacmay, hadda waxaan waardiye u ahay nin “Xildhibaan” ah. Wuxuu isiiyaa $100 bishiiba. Dhar waxaa ii ah Tuutahaygii aan furinta kala imid. Waxaa hoy ii ah daarada guriga aan ku waardiyeeyo Xildhibaanka oo aan isku cid nahay. Halkaasaa anagoo 4 askari ah ku cunteynaa habeenkiina aan seexanaa ganjeelka dhinaciisa. Gurigu waa weyn yahay laakiin inaan galno nalooma ogola bal hal qol oo nalaga siiyo daaye.

$100 jaad baan ku cunaa si aan isku ilowsiiyo fikirka badan iyo marxaladda adag ee nolosha iyo inaanan xusuus ugalin waxyaabaha aan tabanayo ee madaxeyga ka guuxaya.

Waarid key inaan caawiyaan jeclaan lahaa, reer iyo nolol baan rabaa iyo inaan  cisi iyo sharaf bulshada kula noolaado. Isbaaro majecli laakiin anaga (askarta) ayaaba isbaaro na hortaalaa.