Miriqshaalleynta iibka badda SOMALIA

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuudow, kuma hayso baahi aad u iibisid badda Soomaaliyeed ee ummaddan la il daran faqriga, jahliga, tala xumada, iyo qabyaaladda, ha ka ridin isha kaliya ee hadda uun u soo bikaacatay.

Baddan ay Kenya hunguriyeyneyso, waa tii ay Somalia uga bixi laheyd qarniyaal saboolnimo iyo dib u harsanaan ah!

Somalia waa dal nasiib ku leh meelo badan, haddana ku nasiib daran meelo muhiim ah: Tirada Soomaalida dalka ku nool waxaa lagu qiyaasaa 7 ilaa 8 malyan.

Dadka intaa la e’g, waxay haystaan dhul iyo bad aad u weyn oo leh khayraad badan oo ay Soomaalidu kala soo bixi karto nolol aad u fiican, haddii ay la timaado biseyl, aqoon, dal jaceyl iyo hufnaan.

Soomaalidu, horta waa ka dhimatay dal jaceyl iyo hufnaan. Waxaa jirta in Ingiriisku, qiyaastii 50-70 sano ka hor, Somalia ka jaray dhul weyn oo uu ugu deeqay dawladaha Krishtaanka ahee Somalia deriska la ah oo kala ah Itoobiya iyo Kenya.

Soomaalidu waa dad firfircoon oo qab weyn. Waa dad lagu tilmaamo dagaal yahanno geesiyaal ah oo taa kaga soocan, inta badan, shucuubta adduunka. Waase Muslin, haddana madax adag oo isla weyni ku asteysan. Soomaalidu waxay iskala weyn tahay oo ay si bareer iyo badawnimo ah u yastaa Ummadaha adduunka dhammaantood, gaar ahaan: Carabta, Afrikaanka madow, iyo ninka cad ee Yurubiyaanka ah, kaas oo ay u arkaan ( waa Yurubiyaanka ee) najaas iyo wax rag lagu tilmaami karin.

Yasidda ninka cad ee gaalka ah waxay, qeyb ahaan, ka dab qaadanayaa diinta Islamka (INNAMAL MUSHRIKUUNA NAJASUN … ). Waxaase intaa u sii dheer oo fekerkaas sii xoojinaaya dhaqanka, badawnimada iyo suugaanta Soomaaliyeed.

Maxamed Cabdulle Xasan oo tilmaamaaya Ingiriiskii la dagaallamaayay: waa kii gabayadiisa ku soo daray ereyadan: — gaalka xaylka leh , — doora-weynaha, iwm.

Qoraaga weyn oo Ingiriiska ah, Ioan Lewis, oo looga dambeeyo aqoonta uu Soomaalida u leeyahay, wuxuu Soomaalida ka qoray: in ay bareer iyo caadyaal u yasaan dhammaan dadyowga kalee dunida. Eeg buuggiisa “Understanding Somalia and Somaliland”, bogga 25-aad.
Dunidan waxaa waqtigan ugu xoog badan, ugu awood badan, uguna hormarsan Yurub iyo Ameerika oo ay hadda soo raaceen, China iyo India. Intaba kuma jiro dal Muslin ah. Kuma jiro dal madow.

Sideedaba, waa adag tahay in Soomaali la jeclaadaa. Faqiir caga cad oo haddana qab weyn, dagaal badan, aan cidina ka haybeysan. shar kama-tiire ( ama biime) iska ah, dhexdoodana aan laheyn talo iyo muwaafaqo iyo iskaashi. Aan danahooda gaarka xataa ka heshiin karin. Bal adigu si’ dheh! Waa dadka aaminsan in ay Mareykanka ka adkaadeen oo ay soo eryeen 1993-kii (BLACK HAWK DOWN). Dagaalkaas Soomaalidu waa ay muujisay in ay dagaal yaqaannaan, geesiyaalna yihiin. Laakiin waxay kaloo muujiyen inay hawtul-hamag yihiin oo aanay dunida qiyaas fiican ka haysan.

Mareykanna, intaas buu fahmay oo gogoshiisa ka soo laabtay. Halis weyn baan is-gelinnay. Ka warran Mareykanku haddii uusan naga roonaadeen oo uu Muqdishaba ciidda la simi lahaa.

Geesinnimo aan marinkeedii helin baan ku faaneynaa. Mana ogin halista aan galnay.

Nasiib darrooyinka Soomaalida waxaa kaloo ka mid ah: ma aha dad ay ku fog tahay waxa la yiraa ‘waddaniyadd’. Ma aha dad nidaam iyo qaanuun jecel. Reer guuraanimada ayaa uga jirta dhuuxa iyo lafaha. Waa dad ay qabyaaladi dilootay oo qiime beelay!

Asbaabahaas iyo qaar kale oo jira awgood, Maanta badda Soomaaliya waxay halis ugu jirtaa in Kenya lagu wareejiyo.

A. Ma jiro saaxiib ay Somalia isku halleyn karto. Kenya waxaa la jira, oo Somaliana indho iyo ta-taliyeba u ah, Norway. Badda waxaa u sii jiidaaya xagga Kenya, waa Norway. Shirkadaha shgiddaalka bara ee Norway baa haddatan ku hawlan inay shidaal ka qodaan badda Soomaaliyeed, iyagoo heshiis la saxiixday Kenya. Dawlada Federaalka ee Somalia riwaayad rakhiis ah bay ino dhigeysaa:

Waxay naga dhaadhicineysaa oo ay leedahay: Kenya waxaan ku dacweynay Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda (ICJ) oo ku taal magaalada Hague. Shirkadda Norway laga leeyahay (Somalia accuses Norwegian oil explorer DNO of destabilising country )

B. Somalia, wixii ka dambeeyay burburkii, lagu ma baran madax hufan oo waddani ah.

Mar sii horreysay waxaan qoray: “Dawladda federaalku waxay qorsheyneysaa in ay badda Soomaaliyeed ay ku wareejiso Kenya. Arrinka waxaa wax ka wada Norway. Dawladdu hadda waxay iila egtahay inay dooneyso in ay cash ka dhigato oo ay caddeysato, wax alle wixii u gadmi kara. Waxay ku taameysaa, baan isleeyahay: jeebka buuxso inta aad kursiga ku fadhidid.

Dawladdan laba sano ka yar baa u harsan. Hawshu waa ka gaarsis. Waa sababta Kenya loogu furay dacwadas badda la xiriirta ee Maxkamadda ICJ ah. Waa xeelad ay dawladdu la timid, markii ay weysay hab kale oo ay badda ku iibiso. Legdan bay galeysaa oo looga adkaanayo.

Waa la legdayaa, xoogaa lacag ahna waa la siinayaa. Waa xeelad cusub oo lagu xadi karo hantida dadweynaha. Kenya iyo Noraway mar sii horreysay ayaa laga riday baddan. Barlamaankii ku meel gaarka ahaa ee dawladdii Shariif Axmed ayaa dhaliyay guushaas taariikhda gashay. Hawshii ay qabteen baa hadda loo qayilay sidii loo fashilin lahaa. Doolarkaas ayaa u daran dawladdan ee waddan iyo mustaqbal, waxba kama gelin. Waa ra’yigeyga! Adiguna kaaga ka hadal.”

Maqaalkaas waxaa soo qoray website-yo aan labaatan ka tareyn. Dawladda Frderaalka waa ay ka xanaaqday. Isla maalintii xigtay maaha, ee saacado gudahood bay maqaal jawaab iyo inkirmaad ah soo dhigaty Hiiraan.com.

Avv. Dr. Cabdulqaadir “Tallman”

advtallman@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid