Askari ka tirsan Ciidamada DF oo dil iyo dhaawac geystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa dil iyo dhaawac uu askari ka tirsan ciidanka dowladda ka geystay magaalada Muqdisho.

Toogashadan ayaa ka dhacday waddada isku xirta isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa loo geystay wiil dhalinyaro ahaa oo kaxeynayay mootada nuuca loo yaqaano Bajaajta.

Sidoo kale waxaa rasaasta uu furay askarigaasi ku dhawaacmay qof kale oo shacab ah oo ka agdhawaa halkaasi.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen dad Goobjoogayaal ah dhacdadan ayaa timid, kadib markii darawalka Bajaajta uu biyo wasaqeysan ku firdhiyay askariga dilka geystay, kaas oo la sheegay inuu ka carooday, kadibna uu rasaas ku furay Marxuumka.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaatay goobta, balse waxaa la sheegay inuu baxsaday askarigii ka dambeeyay falkaasi.

Ciidamada dowladda ayaa inta badan dilal ka dhan ah Bajaajleyda ka geysta Muqdisho, waxaana marar badan Caasimada ka dhacay banaanbaxo looga soo horjeedo dilalkaasi.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com