Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqeyso go’aan culus

Muqdisho (Caasimada Online)  – Dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in markale maanta ay ku dhawaaqdo go’aan culus oo ku aadan xiriirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibada XFS ayaa saacadaha soo socda qaadaneyso go’aankan, sida ay xogta ku heshay Caasimada Online.

Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiir Axmed Ciise (Cawad) ayaa lagu wargeliyay Wariyeyaasha kuwa gudaha iyo dibadda in ay ka soo qeyb galaan shir jaraa’id oo ay qabaneyso wasaaradda.

Warkan ayaa lagu sheegay in lagu sheegay in shirka uu dhici doono Subaxa hore ee Sabtida oo maanta ah.

Wararka qaara ayaa sheegaya in laga yaabo in wasiirka uu ku dhawaaqo doono go’aan ka dhan ah Keny oo uu haatan khilaaf xoogan kala dhexeeyo Soomaaliya.

Khamiistii la soo dhaafay ayey aheyd markii xukuumadda federaalka Soomaaliya ay gabi ahaan xiriirkii u jartay dalka Guinea, oo si maqaam sare ah u soo dhaweeyay Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Bixii Cabdi oo booqasho ku jooga dalkaasi.

Go’aankan iyo kuwa dhawaaqistiisa ayaa waxaa ka fal-celiyay siyaasiyiin caan ah oo qaarkood sheegay in waxba uusan soo kordhineyn, iyaga oo sabab uga dhigay in Guinea aysan wax xiriir ah oo sidaa u weyn markii horeba ay la laheyn Soomaaliya.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com