Askari ka tirsan DFS oo fal aad u fool-xun ka geystay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Askari ka tirsan Ciidamada Dowlada uu toogasho ku dilay Xaaskiisa oo ku nooleyd degmada Waabari.

Askariga dilay Xaaskiisa ayaa la sheegay inuu kamid ahaa Ciidamada ka howlgala Saldhiga degmada Waabari.

Askariga falkaani foosha xun geystay ayaa la xaqiijiyay in lagu magacaabo Maxamed Baniiin Ibrahim, waxa uuna xiliga falkaasi geysanaayay ahaa mid uu muran xoogan kala dhexeeyay Xaaskiisa.

Sargaal ka tirsan ciidamada Booliska ee ka howlgala Saldhiga ayaa yiri ”Danbiilahaani waxa uu maalmahaani xiriir xun kala dhexeeyay Xaaskiisa, waxa uu Hooygiisa gaaray iyadoo ay soo jeeday Xaaska waxaana dhexmaray muran kadibna waxaa xigay dilka”

Waxa uu intaa raaciyay ”Xaaska waxaa lagu magacaabi jiray Iftin Cusmaan Yusuf, waxa ayna xabadu kaga dhacday qeybaha sare ee jirka”

Askariga falkaani geystay ayaa iminka ku xiran Xabsi ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana la xaqiijiyay inuu ku socdo baaritaan.

Dhinaca kale, magaalada Muqdisho, ayaa waxaa kusoo badanaayay falalka noocaani ah oo ay geystaan Ciidamada Dowlada, iyadoo sababta ugu weyn lagu sheego mushaar la’aanta Ciidamada oo khilaaf ka dhex abuurta isaga iyo qoyskiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com