Askari kashifay jabkii Axmed Madoobe shalay ka qabsaday dagaalkii ciidamada BARRE HIIRAALE

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dagaal xoogan oo uu dhiigbadan ku daatay dhexmaray Ciidamada daacada u ah Col Barre Hiiraale ee ku sugan deegaanka Goobweyn, oo 11km dhinaca galbeed kaga toosan Magaalada Kismaayo iyo Axmed Madoobe ayaa waxaa soo baxaayo xogo kala duwan oo ku saabsan dagaalkaasi.

Saciid Nuur oo kamid ah Ciidamada Col Barre ayaa sheegay in kuwa Axmed Madoobe ay kusoo weerareen ku dhawaad 6 gaari nooca dagaalka ah iyo ciidamo aad u farabadan, balse iyaguna ay dhamaayen 30 askar ay hilfaha u qaaden Ciidamadaasi.

Isaga oo ka warbixinaayay dagaalka ay la galeen Ciidamada daacada u ah Axmed Madoobe ayuu yiri ‘’Axmed Madoobe waxa uu aaminay maleeshiyaad tirro badan oo tayo yar kana soo jeeda beeshiisa, wey ka sheekeyn doonaan dagaalkii aan la galnay waayo Ciidamadeenu dhulka ayaa uga qodan dhufeysyo gaadiidkii ay wateen waxaa ka baxsaday 2 inta kale waxa ay ku dhaceen gododkii aan u qodnay’’

‘’Waxa ay kusoo duulaan tageen ciidamo qiyaastii dhan 70, anaguna waxaan aheyn ilaa 30 haddii ay tirro badnaan wax tareyso wey ka sheekeyn doonaan cashirkii aan u dhignay oo ahaa mid dhiigooda aan ku daadinay’’

‘’Ma sheegi karo tirada ciidan ee aan ka dilnay balse waxaa ii muuqday meydad farabadan oo aan dul marnay xili aan kormeer sameyneynay dagaalka kadib, qiyaastii waxa ay dhamaayen 15 ilaa 20’’

‘’Ciidamada aan toogashada ku dilnay waxaa kamid ahaa kuwo laga keenay Kililka shanaad, dagaalku maaha tirro badni ee waa tababar iyo ka fiirsasho’’

Saciid Nuur waxa uu tilmaamay in Axmed Madoobe uusan u babac dhigi Karin Ciidamada Col Barre Hiiraale, waxa uuna carabka ku dhuftay in dagaalkaani uu Axmed Madoobe ku abuuri doono murugo gaar ah.

Dhanka kale, waxa uu sheegay in dagaalka kala dhexeeya Axmed Madoobe uu ahaan doono mid ilaa iyo abid sii socon doono, inta uu ka aaminsan yahay in Qabyaalada lagu gaaraayo Qaran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com